Warar ku saabsan kulanka madaxweynaha iyo gudoomiyaha golaha shacabka iyo hadalka madaxweyne xasan shiiq ee arimaha dayn cafinta Somalia

21″ May “2022” Muqdisho “SONNA

Madaxweynaha Xafiiska Jooga Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.

Labada labada dhinac oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka, ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Farmaajo ayaa inta uu socday waxaa sidoo kale looga wada hadlay qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha ayaa go’aamiyey in Munaasabadda Xil-wareejintu ay dhacdo maalinta isniinta ah oo ku beegan 23 bishan May, iyada oo ay Madaxtooyada Qaranka ka dhacayso munaasabad ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynihii 9-aad ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaba 10-aad ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

CUSBOONEEYSIIN

壯陽藥 ont-weight:800;font-size:23px”>Madaxweynaha dalka oo arimaha dayn cafinta Soomaaliya kala hadlay Madaxda Hey’adaha dhaqaala Adriano’s

Waxaa maanta soo gabagaboobay kulamadii Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hey’adaha dhaqaalaha Adduunka ee arrimaha deyn cafinta.

Kulankii ugu danbeeyay ee maanta oo Madaxweynaha uu ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxa ay maanta la yeesheen Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika

Team ka AFDB, Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay sii wadidda howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Bangiga ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay xoogga saari doonto dhameystirka howlaha deyn-cafinta dambaysay.

CUSBOONEEYSIIN

Dalka oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay ka wada  hadleen arrimaha dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa waxay si gaar ah uga wada hadleen xaaladda guud ee dalka iyo amba-qaadista hannaanka dowladnimadda Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanayay madaxda kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, kuwaasi oo uu kala hadlayay xaaladaha dalka iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Leave a Reply