26- November-2023- BBC
Maxamed Sheekh Xuseen Maxamed oo ah aabbe deggan meel u dhow xeryaha barakacayaasha magaalada Kismaayo ayaa shalay aad u qabsaday baraha bulshada, kadib markii uu kasoo muuqday muuqaal isagoo ilmeynaya kana murugeysan qoyskiisa oo uu ku waayay daadadka.
Ninkan ayaa sheegay inuu u maleynayo in xaaskiisa iyo carruurtiisa oo uu dhalay ay daadadku qaadeen, kuwaasoo markii isugu war dambeysay isaga ka baxsanayay daadadka oo ku fatahay deegaankooda.
“Waxaan ogaa inay ka baxeen Koban, meel ay ku dambeeyaan ma aqaan,” ayuu yiri.
“Xaggeen ka raadshaa meel aan u maro maba lahan,” ayuu intaa sii raaciyay isagoo ilmeynaya.
BBC-da ayaa la hadashay Maxamed, wuxuuna sheegay inuu helay war ah in qoyska haatan ay ku sugan yihiin meel u dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, balse uusan xaqiijin karin.
“Meel Koban la yiraahdo oo Jilib agteeda ayay sii marayeen markaan ogaa, biyaha ayaa laga kala cararayay dad badan ayaana la socday oo keligood ma ahayn,” ayuu yiri.
“Biyihii koowaad ayaa la dhaafiyay iyagoo tuuladaas joogta ayaan ogaa, kadibna biyo xoog leh ayay sii dhex mareen kuwaas baan u heystay inay qaadeen,” ayuu intaa sii raaciyay.
Maxamed ayaa sheegay in in ka badan 10 casho ay kala maqnaayeen qoyskiisa.
Haatan wuxuu ku sugan yahay meel la yiraahdo Luglaawe oo Kismaayo u dhow, wuxuuna sheegay inuu raadin doono qoyskiisa marka uu helo waddo uu usii maro.
“Carruurtu saddex ayay ahaayeen. Nin aan is naqaannay ayaa iisoo tabiyay in la helay, laakiin ma aqaanno inay run iyo been mid tahay,”
Maxamed ayaa isagu la cararay riyo uu lahaa oo uu daadadka ka badbaadinayay halka xaaskiisa iyo carruurtuna ay isa sii raaceen.
“Hadda xitaa ayaga kama war hayo, laakiin markay ii suurto gasho waan raadin doonaa,”
Dhibaatooyinka kale ee ka dhashay daadadka Soomaaliya
Xaaladda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa inay ka jirto xaalad ba’an, kadib markii dhammaanba xaafadaha magaalada ay daadadku biyo dhigeen.
Waxaa kale oo lasoo werinayaa in carruur ay gaajo ugu dhinteen xaafad ay ku go’doonsanaayeen.
Nadar Tibaax Maalin oo ah duqa magaalada Beledweyne ayaa BBC-da u sheegtay in meel bannaan aysan jirin magaalada.
“Magaalada afarta xaafadoodba waa lagu go’doonsan yahay, inkastoo dadka intoodii badan ay baxeen laakiin ay jiraan xaafado lagu go’doonsan yahay,” ayay tiri.
Waxay sheegtay inay dadku is lahaayeen in biyihii magaalada soo galay bishii May aysan soo gaari karin qeybaha kale ee magaalada, sidoo kalena uu da’ay roob aan la fileyn oo xoog badan.
“Wacyigelin badan ayaan sameynay, iyadoo laga tusaale qaadanayo sida daadadku ay u galeen magaalada Gaalkacyo iyadoo uusan webi dhex marin, ” ayay tiri.
Carruurta geeriyootay oo kala qoys ahaa ayay sheegtay inay ku dhinteen xaafadda Buundoweyn ee magaalada.
Nadar qudheeda ayaa ka mid ah dadka deggan xaafadda Kooshin ee aan weli ka bixin magaalada. Xaafadaha qaar ayay sheegtay inaysan jirin waddooyin la maro isla markaana dadka jilicsan qaarkood lagu daabulo doomo.
Dadka go’doonsan ayay sheegtay in la gaarsiiyo cunnooyin yar oo aanse ku filneyn, maaddaam犀利士 a aysna jirin deeq ku filan oo ka timid hay’adaha gargaarka amaba dowladda federaalka.
Ilmo yar oo gaajo u dhintay
Xaalad adag ayaa laga soo sheegayaa xaafadda Muuri ee bariga degmada Buurdhuubo halkaas oo qoysas gaaraya 500 oo qoys ay ku go’doomeen kaddib markii ay burburtay buundadii degmada, biyuhuna ay dhinac kasta ka hareereyeen.
Dadka xaafadda Muuri ku go’doonsan ayaa la soo sheegayaa in cuno yari ba’ani ay hayso, waxana saaka xaalad caafimaad ugu geeriyooday ilmo yar oo lix sano jir ah, sida uu BBC-da u sheegay Cali Cusmaan Maxamed oo kamid ah odayaasha xaafadda.
“Hadda Muuri, xitaa qubuurihii dadka lagu aasi jiray yar iyo weyn dhammaan biyo ayaa fadhiya, ilmaha yar waxan ku aasnay meel aan xabaalo ahayn” ayuu yiri Cali Cusmaan Maxamed.
Degmada Buurdhuubo ayaa kamid ah meelaha sida ba’an ay u naafeeyeen fataahaddaha ka jira Soomaaliya ee ka dhashay roobabka xoogga leh ee da’aya iyo biyaha badan ee ay wadaan webiyada.
Guud ahaan Buurdhuubo ayay biyhu galeen, waxase u daran ayaa la soo sheegayaa xaafadaha bariga degmada ku yaala.
Tirada dadka Soomaaliya ugu dhintay daadadka ay sababeen roobabka xooggan ayaa kor u dhaaftay 96, sida ay qortay wakaaladda wararka SONNA.
“Tirada dhimashada daadadka Soomaaliya waxay gaartay 96 ,” ayya SONNA kusoo qortay barta X, ee hore loo yaqaannay Twitter, iyadoo intaa ku dartay in tirada uu xaqiijiyay madaxa hay’adda maareynta musiibooyinka dalka Maxamuud Macallin.
Si la mid ah qeybaha kale ee Geeska Afrika, Soomaaliya ayaa waxaa ka da’ayay roobab lixaad leh oo soo billowday bishii October, kuwaasoo ay sababeen duufaanta El Nino.
Waa xaalad isbeddel cimilo oo saameynta cimilada oogada sare ee badweynta sababtana roobab xaddigooda ka sarreeya.
Daadadkan ayaa lagu tilaamay kuwii ugu ba’daa ee muddo tobnaan sano ah ka dhaca Soomaaliya waxayna barakiciyeen ilaa 700,000 oo qof, sida laga soo xigtay Qaramada Miodobay.
Roobabka xooggan ayaa daadad ka sababay qeybo badan oo dalka ah, waxayna kaisi dareen xaaladdii bani’aadannimo ee horeba dalka uga jirtay