3″ March “2023”
Dagaalka Laascaanood ayaa soo dadajiyay Siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda gobolka Sool Inay iska tagaan xilalkii ay ka hayeen #Somaliland- Iyadoo Maamulka Muuse Biixi oo sheegay inay heleen xogo sirdoon ay ka digeen duulaan ku wajahan Xaggooda oo ka Imaanaya #Putland 👉Dheeho.com
Xaglo-Toosiye ayaa ku dhawaaqay In uu Isaga baxay ku jiritaanka Siyaasada #Somaliland
“Anigu Waxaan Siyaasi u Ahay Reerkayga Iyo Deegaankayga, Markaa maanta Laga Bilaabo Waxaan La Dareen Ahay Reerkayga Iyo Deegaankayga. Waanan Ka Tagay Somaliland” ayuu yiri Siyaasiga Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye-oo xilal kala duwan ka soqabt Somaliland
Ka bixitaanka Xagalo-Toosiye ee Siyaasada Somaliland ayaa Imaanaya maalmo ka dib markii Faysal Cali Waraabe uu ku baaqay somaliland inay u midoowdo dagaalka magaalada #Laascaanood xili uu sii kordhayo walaaca caalamiga ah ee Ku aadan dirirta maleeshiyo beeleedka gobolka sool iyo maamulka #Somaliland
Sii socoshada Dagaalka muddada bisha ku dhow ka socda magaalada Laascanood waxa uu sababay In siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Gobolka Sool ay dadkooda ku figir noqdaan isla markaana ay iska casileen xilalki犀利士 i ay ka hayeen maamulka Somaliland-Iyadoo geesta kale Mamulka Somalilan uu ka digay weerar ku soo wajahan oo kaga imaanaya ciidamo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin maamul goboleedka Puntland.
Somaliland oo ku fashilantay dagaal mudo bil ka badan ka socday magaalada Laascaanood oo la kulmay cambaareeyn caalami ah ayaa Qoraal ka soo baxay waxay ku sheegtay in ay heleen xogo sirdoon oo lagu kalsoon yahay oo muujinaya in xubno ka tirsan ciidamada Puntland ee loo yaqaan (PSF) Inay weerar ku yihiin xagooda iyadoo Putland aysan muujin wax xaqiijinaya suurtagalnimada dagaal ay ku qaado Somaliland