Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
5″ Dec”2021″ W, Q Elmi Osman Farah Boodhari

Maamul,goboleedyada qaar ,gudiga doorashada iyo hogaanka hagitaanka doorashada oo ah raysilwsaraaha xilgaarsiinta ayay haatan fartu ku godan tahay in ay ku dhaqaaqeen qalfsanaanta doorasho dhabaha u xaaraysa in dalku uu ku qaado wado qaldan oo horseedi karta qalalaase la mid tan ka dhqcday Ethiopia markii laysku qabsaday hufnaan la,aanta doorashadii uu sheegtay Abiy in uu ku guuleeysatay .
Booob iyo qiyaanooyin laga cabanayo ayaa ka taagan doorashooyinka xildhibaanimada soomaaliya oo horey dhawr jeer dib u dhacay
Saameeynta uu Ku Yeeshay Safarkii Rooble Ee Qatar Sugnaan La,aanta Doorshada
Intii aanu Rooble marin gadaasha danbe ee farmaajo oo ka mid ah dadka quuldareeynaya in ay isu soo taagaan doorashada madaxtinimo ee dalka waxaa jiray rajo aan badneeyn oo laga qabay in dalku aado doorasho isu dheelitiran.

Balse hada taas wax badan ayaa iska badalay sida ay muujiyeen,inata badana Indheergaratada soomaalida oo saluugay doorka faragalinta Qatar uu ku leeyahay habsami u socodka doorashooyinka somalia oo u muuqda mid dalka u jiidi kara rabshado
Rooble waxa uu Meel iska dhigay cadaalad u raadintii kiiskii Ikraan Thliil oo ragii ku eedeeysnaa ay xildhibaano noqdeen qaarna wadada ugu soo jiraan Isaga oo indhaha ka qarsaday qaladaadka doorasho ee laga cabanayohaba ugu darnaadaane kuraas boobista maamulada Galmudug iyo K/galbeed halka maamulada Butland iyo Jubaland aaney uba holan doorasho aqalka hoose ah in ay qabtaan
Farmaajo oo u muuqda in uu soo ceshtay Awoodihiisii ” ayaa bilaabay magacaabis iyo xil ka qaadis qayb ka ah ololihiisa doorashada waxaana ka sokoow gacanta uu ka helayo Rooble oo dowlada Qatar. Ay Isu soo dhaweeysay uu ku qanacsan yahay sida ay wax u socdaan Isaga oo eedda iyo dhibaatada ka dhalata qaladaadka doorashada dusha u saari doona Rooble
Isku dayga doorashooyin boob ku dhisan oo beesha dhaqaale looga rabo ayaa waxaa ku hareereeysan culayso badan iyada oo ay maqan tahay doorkii bulshada rayidka,islamrkaasna ay soo baxayaan dulduleelooyin lugaha kuraastadoorashooyikooda la boobay
Midowga Musharixiinta oo sheegay in aan la sii fiirsan karin doorashada aqalka hoose oo ay saluugeen sida ay u socdaan
Golaha Midowga Musharixiinta ayaa mar kale waxaa ay soo saareen war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda doorashooyinka dalka, iyagoo walaac xooggan ka muujiyay hannaanka ay u socoto doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Midowgu waxaa ay sheegeen in waxa socda hadda aan lagu tilmaami Karin doorasho, iyagoo sheegay in ay tahay boob qaawan waxay abaabuleen Shir gaar ah ooy ku leeyihiin Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho, kaasi ooy sheegeen in ku gorfeeynayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashada dalka ka socoto oo siweyn u dhaliilasan yihiin.
Ilo ku dhow Midowga Musharaxiinta ayaa sheegaya in Shirka u socda Golaha uu yahay Wejiga labaad ee shirar maalmihii lasoo dhaafay ku yeelanayeen Muqdisho, waxaana wejiga hore ee shirarka la qaateen Bulshada Rayidka iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Shirkan wejiga labaad ayay Midowga uga hadlayaan qaab dhismeedka Gole cusub oo ay yeelan doonaan, iyagoo qorsheynaya inay bilaabaan kacdoon la mid ah midkii Badbaado Qaran oo kale ee looga hortagay muddo kororsigii labada sano ahaa
Golaha ayaa dhawaan sheegay in waxa ka socda dalka aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro iyo nabadgalyo la’aan, iyagoona xusay in aysan aqbali doonin boobka doorashada Golaha Shacabka, dadbadan waxay hadal,hayaan in uu ka soo bixi karo wax keeni kara is barbar yaac doorasho iyadoo beesha caalamku ay niyad jab ka muujisay doorka hogaamin LA,aaneed ee doorashada somalia

Beesha Caalamka ayaa Shuruud Adag Ku Xirtay Bixinta Dhaqaalihii Ay Ugu Talagashay Doorashada Soomaaliya
Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya taageera ayaa shuruud adag ku xirtay dhaqaalaha ay Soomaaliya ku kabto, gaar ahaan dhaqaalaha loo qorsheyay doorashooyinka ee horay ay Beesha Caalamku u ballan qaadday in Soomaaliya ay siin doonto, si loogu qabto doorashooyinka dalka ka dhacaya.
Qaraallo loo diray Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiyda doorashada heer federal iyo heer dowlad Goboleed ayaa waxaa shuruud ay ku xireen bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada ee ay horay Beesha Caalamka u balanqaadeen.
Safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway oo qoraalka diray ayaa waxaa ay dalbadeen in qeybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato doorashada inay si habsami ah u socoto, kana bilaabato saddex dowlad goboleed.
Isku Soo Duub
Xal u helista mashaakilka hada taagan waxay noqon karta la dagaallanka masiibada soo socota oo la macno ah” Hada Wax Aan Heshiis Lagu Ahayn Hadhoow Lagu Caano Maali Maayo ” Xal Aan Hada Laysla Gaarin Umad Laguma Samata Bixin Doono
LA SOCO QAYBTA LABAAD WQ ELMI OSMAN FARAH BOODHARI
