Hakadka Maalintii labaad duulimaadyada gudaha ee ka bixi jiray garoonka Aadan: Xal Wali Mugdi Ku Jira

6- March-2024- Muqdisho

Warsaxafadeedkan kuma xusna qodobkii muranka dhaliyay ee $9-ka dollar. Wasaaradda gaadiidka cirka ee DFS waxay isku dayday iney sumcad ahaan isu-badbaadiso oo ay eedda u leexiso diyaaraddaha, laakiin waxaa muhiim ah in Dowladdu cadeyso in mashruucii 9ka dollar meesha laga saaray iyo inkale.

Diyaaraddaha si gaar ah ayaa loo canshuura, tikidhada canshuur ayaa saaran, lacag bad-qab ahna waa laga qaada rakaabka diyaaraddaha gudaha aadda iyo kuwa dibbada aadda, oo tikidhada ayaa mar hore lagu lifaaqay lacagaha bad-qabka.

https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1765440249038090541?t=pBND3壯陽藥 onEVWexQVDehN6OEw&s=19

Qodobbada ay wasiiraddu ku dooddeyso waa waajib Dowladdeed, mana jirto sabab ay dadka ugu waajibin karaan 9 dollar oo ku dhaceysa akoon shaqsi ah, sidoo kale xogta amni ee muwaadiniinta Soomaaliyeed la isagama dhiibi karo shirkad gaar ah oo aan la aqoonin cida ay la wadaageyso.

Sida Looga Falceliyay

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook “Waa ku mahadsan yihiin Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka in ay ku soo baxeen qaylo dhaanta shacabka, kana raaligeliyeen dhibka ku dhacay.

Raysalwasaaraha waxaa laga sugayaa in uu go’aan ka qaato lacagta sagaalka doolar ee dulsaarka ah ee dhibka sababtay, baaritaanna ku sameeyo shirkadaha iyo shakhsiyaadka lacagaha magaca dawladda shacabka uga gurta, iyagoo garab ka helaya madaxda dalka.

Baarlamaanku waa in uu ogaadaa in waajibka ugu wayn ee aan shacabka wakiilka kaga nahay uu yahay la xisaabtanka laanta fulinta ee maha ku milankeeda.