Thursday ” 2 ” Sebtember” 2021″ BBC somali
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ninkii dhowaan weerarka ka geystay magaalada Dar Es Salaam.
Madaxa Dembi Baarista Tanzania Camilius Wambura ayaa sheegay in Xamsa Maxamed oo loo heystay inuu dhowaan dalkaasi uu weerar ka geystay uu ahaa argagixiso.
Shir jaraa’id, oo uu Wambura qabtay ayuu ku sheegay in isla markiiba kaddib weerarka ay bilaabeen baaritaan iyagoo doonayay inay ogaadaan sababta uu Xamsa sidaas u sameeyay, qofka uu ahaa iyo ciddii kala qeyb qaadatay weerarka.
“Xamsa Maxamed wuxuu ahaa nin si qarsoodi ah u noolaa waxaana ka muuqday dhammaan calaamadaha argagixisada, wuxuu falalka argagixisada ka bartay internet-ka.” Ayuu yiriWambura.
Wambura ayaa sidoo kale sheegay in Xamsa uu ku guda jiray falalka argagixsannimada internet-ka isla markaana uu xiriir la sameynayay kooxaha sida Al-shabab iyo ISIS.
Mar uu ka hadlayay eedeymaha la xiriira in Xamsa uu heystay macdan, ayaa wuxuu Wambura sheegay inuusan heysan wax macdan ah isla markaana baaritaanku uu muujinayo in howlahaas macdanta uu mar hore isaga baxay.
Weerarka oo dhacay toddobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa fuliyay Xamsa Maxamed Xasan, waxaana ku dhintay afar qof – saddex booliiska ka tirsaneyd iyo hal ilaalo shirkad gaar ah u shaqeynayay, markii dambena waxaa isaga dilay booliiska.
Waa maxay falcelinta ka dhalatay weerarka?
Warbaahinta Soomaalida qaarkood waxa ay qoreen in ninka weerarka geystay magaalada Dar Es Salaam ee dalka Tanzania uu yahay Soomaali. Balse maxaa ka jira arrintaas?
Saddex askari oo boolis ah iyo hal waardiye oo ka tirsanaa shirkad si gaar ah loo leeyahay ayaa lagu dilay weerarkaas oo ka dhacay meel u dhow safaaradda Faransiiska ee magaalada Dar Es Salaam.
Booliska oo bayaan soo saaray ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada ee gaartay afarta qof, halkii marka hore ay ka ahayd labo ruux iyo lix kale oo dhaawac ah.
Khasaaraha waxaa geystay nin hubeysan oo toogasho sameynayay, kaasoo markii dambe isaga laftiisa ay ciidanka amaanka dileen