Xamza oo Nairobi Gaaray Iyo Xiisadda DF iyo Jubbaland oo u gudubtay dalalka dariska 

Xiisadda u dhexeyso dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, wuxuuna khilaafka gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku jiraan isku adeegsiga ciidamo oo ay qaadeen labada dhinac.

Xiisadda ayaa u muuqata inay sii baaheyso, waxayna gaartay dalalka dariska, sida Kenya iyo Itoobiya oo labaduba saameyn ku leh arrimaha gudaha Soomaaliya,

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta wafdi ka socda dowladda Soomaaliya uu kusii jeedo magaalada Nairobi, kaas oo dowladda Kenya kala hadli doono xiisadda ka taagan Jubbaland.

Ujeedka wafdigan ayaa lagu soo warramayaa inuu la xiriiro sidii meesha looga saari lahaa taageero xukuumadda Nairobi siiso Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay.

Horay xukuumadda Nairobi ayaa isku deyday inay dhex-dhexaadiso labada dhinac, laakiin waxba kama soo bixin, waxaana taasi beddalkeeda ay xiisadda isku rogtay gacan ka hadal.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa iyaduna dhankeeda soo faragelisay xiisadda, kadib markii ciidamadeeda dhaq-dhaqaaqyo ay ku taageerayaan Jubbaland ka bilaabeen gobolka Gedo.

Arrintan ayaa u muuqata mid ay Itoobiya uga faa’iideysaneyso xiisadda dowladda dhexe iyo Jubbaland, maadaama aynan xilligan isku wanaagsaneyn Muqdisho iyo Addis Ababa oo ay horay isugu qabteen heshiiska badda ee Abiy Axmed uu la galay maamulka Somaliland.

Si kastaba, horay dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ugu eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayna sidoo kale ciidamadeeda la wareegeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Xamza oo deg-deg ugu baxay Kenya xilli ay kasii dareyso xiisadda A/Madoobe

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow safar deg-deg ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safarka ra’iisul wasaare Xamza ayaa la xiriira arrinta xiisadda Jubbaland oo haatan mareysa meel xasaasi ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Safarkan ayaa imanaya xilli ay maxkamadda gobolka Banaadir u jartay Axmed Madoobe waaran soo qabasho, kadib markii golaha wasiirrada Soomaaliya ay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa loo haystaa faldambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka Soomaaliya, taas oo macno ahaan noqoneysa “khiyaano qaran” sida ay sheegtay maxkamadda gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah eedeymaha loo haysto Axmed Madoobe faldambiyeed lid ku ah xof lala wadaago dal shisheeye, ujeedo dagaal lid ku ah qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah nidaamka iyo dastuurka dalka, sida ay sheegtay maxkamadda.

Xukuumadda Xamza ayaa si adag uga hortimid dib u doorashada Ahmed Madoobe iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland, iyado sheegtay in labaduba ay baal-marsan yihiin shuruucda dalka.

Xiisadda ayaa kasii dareysa, iyadoo maamulka Axmed Madoobe uu soo saaray waaran soo qabasho iyo horkeenis maxkamadeed ah oo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ay uga jawaabeyso waarankii dowladda federaalka, wuxuuna khilaafka gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib tallaabooyinka dheeriga oo ay ku jiraan isku adeegsiga ciidamo oo ay qaadeen labada dhinac.