Xanuunka ka dillaacay Soomaaliya ee ay QM ka digeyso iyo sida aad isaga ilaalin karto

26- March-2024

Daacuun-calooleed ayaa toddobaadkii u dambeeyay ku dilay guud ahaan Soomaaliya sagaal qof iyo in ka badan 50 bilihii la soo dhaafay, sida ay sheegeen kooxaha gargaarka ee Qaramada Midoobay Isniintii.

Digniintan ka soo baxday xafiiska isku xirka gargaarka Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo OCHA, ayaa xaqiijinaysa in cudurkan laga hortegi karo uu sii fidayo, iyadoo ay sii kordhayaan cudurrada laga soo sheegay dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Kiisaska ku soo kordhay caasimadda

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa sidoo kale labadii toddobaad ee u dambeeyay lagu arkay kor u kac ku yimid kiisaska daacuunka halka hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay ee WHO ay sheegtay in ilaa hadda saddex jeer caabuqyada la rakay sannadkan 2024 ay ka badan yihiin saddexdii sano ee la soo dhaafay.

In ka badan lix ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen carruur shan jir ka yar oo uu dillaacay taas oo ay ugu wacan tahay heerar sare oo nafaqo-xumo ah, helitaanka biyo nadiif ah oo liidata iyo musqulo la’aan.

Iyada oo qayb ka ah jawaabta gargaarka socda, ilaa 1.4 milyan oo qiyaas tallaalka daacuunka ayaa la ansixiyay. In ka badan 100 xirmooyinka daacuunka ayaa sidoo kale lagu sii diyaariyay dalka oo dhan, kuwaas oo wata sahay ku filan oo lagu daweeyo 10,500 bukaan.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa sheegay in ay iska kaashadeen la-hawlgalayaasheeda iyo mas’uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya si loo dardargeliyo hawlaha wax-ka-qabashada iyo diyaargarowga, iyadoo lagu hagayo qorshe hawleed lix bilood ah oo u baahan 5.9 milyan oo Doollarka Maraykanka ah si loo fuliyo. .

“Cudurka dillaacay waxaa la filayaa inuu sii kordho marka ay da’aan roobabka Gu’ga oo la filayo inay ka culus yihiin kuwii caadiga ahaa, gaar ahaan degmooyinka halista badan ee ku yaalla hareeraha webiyada Shabeelle iyo Jubba,” ayay OCHA ku sheegtay warbixinteeda ku saabsan daacuunka oo laga sii daayay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Cudurka daacuun caloolaha ayaa ku fidaya Soomaaliya, in ka badan 4,380 xaaladood iyo 54 dhimasho oo xiriir la leh ayaa laga diiwaan geliyay 32 degmo intii u dhaxeysay kowdii Janaayo ee sannadkan ilaa 18-kii Maarso, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Boqolkiiba lixdan iyo laba dhimashadu waa carruur da’doodu ka yar tahay shan jir.

“Faafida waxaa sabab u ah nafaqo-xumo aad u sarreysa oo soo wajahday carruurta, helidda biyo nadiif ah oo aan ku filnayn, habka saxarada oo furan, musqulaha nadaafadda liidata, nadaafadda bulshada oo aan ku filnayn, iyo arrimo kale,” OCHA ayaa tiri.

Madaxa howlaha degdegga iyo debagalka cudurrada maamulka Hirshabeelle, Cabdicasiis Ibraahim, oo BBC la hadlay ayaa yiri: “daacuunku wuxuu bilowday dabayaaqadii bishii Nofamber ilaa bilowgii bishii Disembar, meelihii ugu horeeyay ee kiisaskii ugu horeeyay lagasoo shegayna waxay ahaayeen; Baladweyne, Buule Burde iyo jalalaqsi”.

Madaxa howlah degdegga iyo debagalka cudurrada Cabdicasiis Ibraahim waxa uu sheegay in saddexda magaalo ay ka mid ahaayeen goobihii ay saameeyeen fatahaadii ka dhashay isbaddelkii Cimilada ee Elnino.

Sida uu sheegay Cabdicasiis waxaa sidoo kale kiisas laga helay degmooyinka sida Jowhar, Mahadaay iyo Xawaadley.

Ka hortagga iyo xakamaynta Daacuunka

Nadaafaddu waa aasi aasi
Qoraalka sawirka,Nadaafaddu waa aasi aasi

Hab wajiyo badan leh ayaa fure u ah xakamaynta daacuunka, iyo in la dhimo dhimashada. Isku darka ilaalinta, biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda, wacyi gelinta bulshada, daaweynta, iyo tallaalada daacuunka ee afka laga qaato ayaa la isticmaalaa.

Ilaalinta

Ilaalinta daacuunku waa in ay ka mid noqotaa nidaamka ilaalinta cudurrada isku dhafan oo ay ku jiraan jawaab-celin heer deegaan ah iyo xog-wadaagis heer caalami ah.

Helitaanka kiis looga shakisan yahay daacuunku waxay ku salaysan tahay tuhun caafimaad oo laga qabo bukaannada da’doodu tahay laba sano iyo ka weyn oo qaba shuban biyood ba’an iyo fuuqbax daran ama u dhimanaya shuban biyood ba’an.

La socodka cudurka daacuun caloolaha ayaa ah ka warbixinta bukaanada qaba shuban biyoodka iyo baaritaan joogto ah oo lagu sameeyo qeyb ka mid ah bukaannadaas.

Biyaha iyo nadaafadda

Xalka muddada fog ee xakamaynta daacuunku waxa uu ku jiraa horumarinta dhaqaalaha iyo helitaanka biyo nadiif ah oo la cabbo iyo nadaafadda aasaasiga ah.

Tallaabooyinka lagu beegsanayo xaaladaha deegaanka waxaa ka mid ah hirgelinta xalalka Fayadhowrka ee waara ee muddada dheer si loo hubiyo isticmaalka biyo bedqab ah iyo nadaafadda aasaasiga ah iyo guud ahaan dhaqamada nadaafadda wanaagsan.

Ka sokow daacuunka, waxqabadyada noocan oo kale ah ayaa ka hortagaya cudurro kale oo badan oo ka dhasha biyaha, sidoo kale waxay gacan ka geystaan gaarista yoolalka la xiriira faqriga, nafaqo-xumada iyo waxbarashada.

Xalka Fayodhowrka iyo Nadaafadda Daacuunku waxa ay la jaanqaadaan kuwa Yoolalka Horumarin Waarta (SDG 6).

Daweynta

Daacuunku waa cudur si fudud loo daweyn karo. Dadka intiisa badan waxaa lagu daweyn karaa si guul leh iyada oo si degdeg ah loo maamulo xalka fuuq-celinta afka (ORS). Halka bacda yar ee ORS oo ay bixiyaan WHO ama UNICEF waxaa loogu qasaa hal litir oo biyo nadiif ah ilmaha caruurta ah. Bukaannada qaangaarka ah waxay u baahan karaan ilaa 6 L oo ORS ah si looga daweeyo fuuqbaxa dhexdhexaad ah maalinta ugu horreysa.

Bukaannada aadka u fuuqbaxay waxay halis ugu jiraan shoog waxayna u baahan yihiin in si degdeg ah loo maamulo dareeraha xididka.

Bukaannadaan waxaa sidoo kale la siiyaa antibiyootiko ku habboon si loo yareeyo muddada shubanka, loo yareeyo mugga dareeraha fuuq-celinta ee loo baahan yahay, oo ay soo gaabiyaan qaddarka iyo muddada.

Dhammaan bukaannada waa in ay bilaabaan in ay si badbaado leh u cunaan cuntada caadiga ah oo nadiif ah oo loo diyaariyey sida ugu badbaadada badan.

Naasnuujinta caruurta yaryar waa in sidoo kale la hormariyaa.

Helitaanka degdega ah ee daawaynta waa lama huraan inta uu daacuunku socdo.

Dhammaan talooyinkan oo ay ku jiraan wacyigelinta bulshada iyo qaadashada tallaalka ka hortagga daacuunku waa kuwo ay bixisay Hay’adda Caafimaadka ee Qaramada Midoobey WHO.

Leave a Reply