Xarunta Guddiga FEIT oo maalintii 3-aad ka socoto shahaado bixinta Xildhibaanada

4″ April”2022″ Waxaa maalintii 3-aad, Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ka socda shahaado bixinta Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa shalay diiwaan galiyay xildhibaano dhowr ah oo ka kala tirssn Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare kuwaas oo tiradooda gaareyso 112 xildhibaan.

Xalay Cismaan Abuukar Dubbe ayaa noqday Senatorkii ugu dambeeyey ee qaatay Shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka, halka uu isna qaatay shahaadada Xildhibaanimo Xildhibaan Cmar Yuusuf Qaladid (GSH#136), sida ay shaaciyeen Guddiga FEIT.

Dhinaca kale, Guddiga Doorashooyinka ee FEIT ayaa goordhow guddoon siiyay shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaanada kala ah:

1. Ibrahim Awgab Osman AS#06
2. Hassan Idow Mohamed A#22
3. Nor Mohamed Gedi AS#10

Ugu dambeyn guddiga ayaa bogaadiyay d壯陽藥 hammaan mudanayaashii qaatay Shahaadada Xildhibaanimo, iyagoo inta dhimmaan ku boorriyay inay yimaaddaan Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel si loo guddoonsiiyo shahaadada Xildhibaanimo ee Guddiga.

Wali xarunta Guddiga FEIT ee Muqdisho waxaa ka socoto shahaado bixinta Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Tirada Xildhibaanada ee qaatay shahaadada xildhibaanimo ayaa ah kuwa kor u dhafaaya 220 Mudanayaal, waxaana xarunta guddiga kusii qul qulaya xildhibaano dhowr ah oo raba in soo qaataan shahaadada xildhibaanimo iyo kaarka aqoonsiga, balse haataan xildhibaanada qaatay ayaa kala ah:

1. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270
2. Mohamud Abdullahi Ahmed (Abuukaate) GSH#006
3. Yusuf Ibrahim Afrah (Kabaale) GSH#033
4. Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058
5. Malik Ibrahim Abdalla GSH#66
6. Cabdillaahi Bidhaan Warsame GSH#235.

Sidoo kale, xubnaha qaatay shahaadada Xildhibaanimo, waxaa qeyb ka ah Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya Xildhibaan Cabdillaahi Bidhaan Warsame GSH#235.