7″ April “2022” Muqdisho”
Xarunta Lasocodka doorashooyinka ee Bulshada Rayidka ayaa waxaa ay walaac ka muujisay xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya ee ku xeeran doorashooyinka socda gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka oo heer gaba-gabo mareysa.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xarunta Lasocodka Doorashooyinka ayaa waxaa lagu sheegay inay si dhow ula socdaan dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee saameynta ku yeeshay hannaanka doorashada, iyagoona xusay in dhacdooyinkaan cusub aysan aheyn kuwo u adeegaya danta dalka iyo Bulshada Soomaaliyeed.
Xarunta Lasocodka doorashooyinka ayaa walaac ka qabta habka ay u wajahayaan hoggaanka siyaasadda dalka dhammeytirka geedi socodka doorashada, ayna muuqato in dhinacyada isku haaya siyaasadda in mid kasta uu danihiisa ka hormarinayo danta guud
Waxaan ogsoonahay xilka qaadista lagu sameeyay xubnaha Guddiga doorashada, hakinta Maamulka Koonfur Galbeed ee wadashaqeyntii uu la lahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo walaaca ay ka muujisay dowlad Goboleedka Galmudug ee ku aadan dhacdooyinkii siyaasadeed ee ugu dambeeyay, xaaladdan waxaa ay abuuri kartaa xaaladdo meesha ka saaraya natiijadii laga qabay in doorashada, si nabad ah ku dhammaato” ayuu yiri Qoraalka.
Ugu dambeyn Xarunta Lasocodka doorashooyinka ee Bulshada Rayidka ayaa hoggaanka siyaasadda dalka ugu baaqay inay ka fogaadan wax kasta oo abuuri kara qalalaase amni iyo mid siyaasadeed intaba.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka lasoo saaray