Xarunta Qaabilsan Howlaha Kormeerka Mowjadaha Hirarka Hawada oo Muqdisho Laga daahfuray !!

9- Oct-2023- Muqdisho

Xarunta Qaabilsan Howlaha Kormeerka Mowjadaha Hirarka Hawada oo Muqdisho Laga daahfuray

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Xarunta Howlaha Kormeerka Hirarka, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.

Munaasabadda lagu daahfurayay xaruntan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee HIQ ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Maareeyaha Guud ee HIQ, Maareeye Ku-xigeenka Guud ee HIQ iyo marti sharaf kale.

Xarunta Kormeerka Hirarka waxay udub-dhexaad ah u noqon doontaa la-socodka iyo falanqaynta isticmaalka hirarka, ogaanshaha dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah, iyo xallinta arrimaha isdhexgalka/faragelinta hirarka.

Qalabka Xarunta oo awood u leh kormeerka noocyada kala duwan ee hirarka, waxaa laga heli doonaa macluumaad caawin doono sidii loo gaari lahaa go’aamo la xiriira in si hufan loo qoondeeyo hirarka oo ka mid ah kheyraadka ugu muhiimsan isgaarsiinta.

Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee HIQ, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay furitaanka Xarunta Kormeerka Hirarka, isagoo yiri “Xaruntan waxay wax badan ka beddeli doontaa la-socodka iyo maareynta kheyraadka hirarka dalkeena. Iyadoo si xawli ah loo ballaarinayo kaabayaasha isgaarsiinta dalka iyo kororka teknolajiyada aan xargaha lahayn (wireless),

Waxaa muhiim ah kormeerka hirarka si loo xaqiijiyo in adeegyada isgaarsiinta aysan kala-gpo’ yeelanin, isla markaana looga hortago isdhaxgalka hirarka, taas oo ugu dambeyn horseedeysa in sare loo qaado tayada adeegyada la siiyo macaamiisha.”

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Jaamac Xasan Khaliif ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay Xarunta Kormeerka Hirarka u leedahay fududaynta kobaca iyo horumarinta isgaarsiinta, isagoo yiri “Daahfurka Xarunta Kormeerka Hirarka waa tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo himiladeena la xiriirta qaran dhijitaal ahaan isku-xiran.

Xaruntani waxay kor u qaadi doontaa awoodaha maamulka hirarka, taasoo horseedi doonta horumarinta tayada adeegga, kororka hal-abuurka iyo kor-u-qaadista tartanka Isgaarsiinta.” Iyadoo la dhisayo Xarunta Kormeerka Hirarka,

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay abuurista jawi awood leh oo ku habboon isgaarsiinta, horumarinta hal-abuurka, iyo dhiirrigelinta tartan caddaalad ah.

Daahf犀利士 urka xarunta waxay astaan weyn u tahay dadaalka joogtada ah ee HIQ ee kor loogu qaadayo awoodaha maaraynta hirarka iyo hubinta in muwaadiniintu ay helaan adeegyo isgaarsiineed oo aan kala-go’ lahayn.

Leave a Reply