Xasan Farmaajo Ma,Aha ( Warbixin)

👉 By/ Elmi Osman Farah Boodhari

Dhurwaa la tag bartay ka dhig waa ku ceeba Raysilwasaaraha Itoobiya waxa ku margaday oo ka dagi la,a in uu garoowsado Xasan Farmaajo Ma,aha Soomaalida maantana tii shalay Ma,aha

Safark gaaban oo Saacado yar qaatay oo uu Mqdisho ku yimid 16 June 2018_kii Abiy Axmed ayaa hogaankii Somalia ee waqtigaas Maxamed calaahi farmaajo Ogoleeysiiyay In uu ku dhawaaqo bixinta 4 dakadood oo Itoobiya la siiyay, isaga oo taas kaga badashay in Itoobiya ay albaabada ka soo xirato hogaamiyaasha Maamulgoboleedyada oo caadadoodu ahayd in ay barbar yaacaan dowladda dhexe

Hadii uu soo laaban lahaa hogaankii u nuglaa Itoobiyanka ee damaca galiyay Abiy oo uu waayahaas ula baxay naaneeysta” ah “Big Brother” waxaan shaki ku jirin inay dhici laheyd mid ka xanuun badan tan Muusa biixi ee 20_ka kilomitir

Adisababa waxay arki jirtay iyada oo awood u leh inay cayrin karto Wasiirada Somalia hadaba midkii ka horyimaada danaheeda gobolka sida ay ku sameeysay Axmed ciisa cawad iyo Maxamed c/risaaq oo labaduba Isaga danbeeyay wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia

Hada Itoobiya waxaa la yaab iyo amakaag ku ah somalida aysan u yeerin karin waxay rabto iyo dalka faraheeda ka sii baxaya kadib guushii xaafiiska ku soo celisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalada isburinaya iyo talaabooyinka aan aqligalka aheyn ee kalitaliye abiy ayaa sawir dhab ah ka bixinaya Jahwareeka Adisababa ka heysta soo kabashada Somalia