Xasan iyo madax goboleedyada oo laga dalbaday ka go’aan gaarista arrimo xasaasi ah

Shirka Golaha Wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada oo dhawaan lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa laga dalbaday inay si dhab ah u wajahaan xaqiiqda taagan, kana go’aan gaaran arrimaha xasaasiga ah ee horyaalla.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa wuxuu madaxda Golaha Wadatashiga u jeediyay in aysan ka meer-meerin muddo xileedka dhamaaday ee madaxda maamullada, islamarkaana ay ka go’aan gaaran, si doorashadooda loogu qabto inta sanadkaan ka dhiman.

“Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho isku imaanaya waxaan xusuusinaynaa in muddo xileedka madaxda dawlad goboleedyadu dhammaaday, halka sanad iyo lix bil oo keli ah u harsan tahay madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka ah. Haddaba, waxaa la gudboon in aysan waaqaca iska indha tirin, hawl ku iman doontana ka meermeerin, waana in go’aan ka soo saaraan,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame