Kadib Guushii Doorashada Cabdiraxamaan Ciro Aan eegno waa kuma Musharaxa Guuleeystay ?

Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland oo saakay shir jar’aaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay in musharraxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cigaal (Cirro) uu ku guulaystay marka la eego natiijada ku meel-gaarka ah.

Arrintaas ayaa ka dhigan in musharrax Cirro uu ka guulaystay madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi oo u sharraxnaa xisbiga Kulmiye iyo Faysal Cali Waraabe oo isna u sharraxnaa xisbiga UCID.

Dhanka dhibcana ay kala haleen markaan eegno sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Somaliland musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani waxaa uu ku guulaystay codadka ugu badan oo gaaraya boqolkiiba 63.92 cod.

Xisbiga Kulmiya musharraxna uu u ahaa madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi ayaa helay codad gaaraya 34.81 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

Doorashadan ayaa waxay ahayd mid si wayn loogu tartamay islamarkana waxyaabo badan kaga duwanayd doorashooyinkii ka horreeyay.

Doorashadan ayaa marar badan dib loo dhigay waxaana taasi ka dhshay dibaxyo iyo is qabqabsi badan, balse ugu dambeyntii waxa ay qabsoontay 13 bishan November.

Madaxwaynaha imika xilka haya Muuse Biixi Cabdi ayaa muddo xileedkiisa oo ku ekaa sanadkii 2022 waxaa uu ku darsaday labo sano.

Waa kumaa Cabdiraxmaan Cirro?

Cabdi raxmaan Cirro

Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi gudooomiyaha xisbiga Waddani islamarkana imika loo doortay madaxwaynenimada Somaliland wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1955.

Markii waxbarashadiisii hoose iyo dhexe uu ku soo dhamaystay Burco, Berbera iyo Hargeysa wuxuu u wareegay dugsiga sare ee caanka ah ee magaalada sheekh oo uu dhamaystay 1977.

Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi mudadii u dhaxaysay 1978 ilaa 1981 wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ad la oran jiray horumarinta danwadaagaha ee muqdisho.

Sanadkii 1981 ilaa 1988 wuxuu ahaa dibloomaasi xaruntii wasaaradda arimaha dibedda ee Soomaaliya, gaar ahaan waaxda iskaashiga dhaqaalaha. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi bishii May 1988 ilaa iyo 1996 wuxuu ahaa ku-xigeenka danjiraha iyo sii hayaha safaaradii Soomaaliya ee dalka Ruusha ee Moskow.

Arrimaha muhiimka ah ee horyaalla

Somaliland

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa hor yaalla qodob dhawr ah oo uu ballanqaaday muddadii uu ku jiray ololaha doorashooyinka Somaliland.

Qodobbadan ayaa waxa ka mid ah xaaladda Gobolka Sool, gaar ahaan dagaalladii halkaas ka dhacay sannadkii hore oo uu sheegay inuu hab wada-hadal ah ku xallin doono, kana shaqayn doono sidii maxaabiista ku kala xidhan Hargeysa iyo Laascaanood la isu dhaafsan lahaa.

Waxyaabaha kale ee horyaala waxa ka mid ah isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya, oo xiisad siyaasaddeed iyo diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya, mowqifka uu ka qaato, taasoo si weyn loo sugayo.

Heshiiska ayaa xumeeyay xiriirka Muqdisho ee Itoobiya, oo ka mid ah ciidamada nabad-ilaalinta Soomaaliya ee la dagaallamaya kooxda al-Shabaab, wuxuuna heshiiskaasi Soomaaliya u dhoweeyay dalalka aysan Itoobiya isku fiicneyn ee Masar iyo Eritrea

Waxaa sidoo kale jira in laga sugayo sidii uu u sii amba qaadi lahaa wadahadalladii nabadda ee Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo dheer hakad ku jiray.

Cabdiraxmaan ayaa mar uu wareysi gaar ah siiyay BBC wuxuu sheegay inuu sii wadayo wada-hadalladaas “haddii ay ku jirto danta Somaliland”.