Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Wasiirka cusub ee Amniga C/laahi maxamed nuur oo la wareegay xaafiiska

Thursday ” 9″ September ” 2021″ Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay la wareegida xilka wasiirka Arrimaha Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur oo hore uga mid ahaa golihii wasiirada xilligii uu Xasan Sheekh Maxamuud ahaa madaxweyne.

Qoraal kooban oo u soo dhigey bartiisa ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay Laamaha Amniga inay la shaqeeyaan Wasiirka cusub ee Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur.

“Hambalyo wasiirka amniga mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato mus’uuliyadda culus ee laguu idmaday waqtigaan xasaasiga ah.”

“Waxaan shacabka ugu baaqayaa in si wadajir ah loola shaqeeyo guud ahaan hay’adaha amniga si loo hubiyo xasillonida guud ee dalka.”

Leave a Reply