Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay kullan fool ka fool ah ku yeeshaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Illo ku dhow Madaxtooyada Soomaliya oo ay VOA-da la hadashay ayaa xaqiijiyay jirataanka kullnkan, waxayna sheegeen in Ethiopa ay codsatay kulanka, Madaxweynaha Soomaaliya na uu aqabalay.
Kullankan oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Ankara Arbacada ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay labada mas’uul yeeshaan tan iyo markii uu soo kala dhex galay muranka ku aadan heshiiskii is-afgaradka badda ee ay Ethiopia 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan la saxiixatay Somaliland.
Heshiiskaas ayaa dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darra ah oo ku xad gudbaya madax-banaanideeda qaranimo iyo midka dhuleed ee Soomaaliya.
Wixii markaa ka dambeeyay waxaa sii xumaanayay muranka labada waddan ka dhaxeeya.
Billihii August iyo Septemper, ayaa wadahadallo laba wareeg ahaa oo uu Turkigu garwadeen ka ahaa ay guuldareysteen.
Isla bishii September ee sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday soo jeedin la xiriirta inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, xilli ay ka qeyb galayeen shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacayay magaalada Beijing, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed.
Madaxweynaha ayaa kullankaas shardi uga dhigay in Ethiopia marka hore ay ka noqoto Is-afgaradkii ay la saxiixatay Somaliland, 1-dii bishii Janaayo.
Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa isku dayay inay dhex-dhexaadiyaan kulanka, balse kuma guuleysan.
Waxaa ka horeeyay, dadaal ay dooneysay dowladda Kenya inay labada madaxweyne isugu keento, kaasi oo isna fashilmay.
Dhawaan ayaa sidoo kale, Madaxweynaha Kenya Wiiliam Rutto waxa uu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Uganda ay doonayaan inay dhex-dhexaadiyaan Soomaaliya iyo Ethiopia.