Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi ayaa ku kulmay Djibouti

28- December-2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib u ambaqaadaya wadahadallada Dowladd Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Dheeho News Every Day

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dadaaladaasi awgeed Maanta uu tegay Djibouti.

Dhanka Wafdiga Somaliland waxaa horkacaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Somaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka aloosan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Er壯陽藥 geyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Somaliland.

Dowladda aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa martigelineysa dadaaladan socda, iyadoo dhanka Somaliland uu wadahadalka uga qeybgalayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Somaliland oo ka hadashay kulanka Madaxweyne Xasan iyo madaxweyne Biixi

Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa shaacisay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dalka Jabuuti kula kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana ay halkaa ka sii wadayaan wadahadalladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo muddaba hakad ku jiray.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Facebook ee xafiiska madaxweyne Biixi ayaa lagu yiri: “Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal.,”.

Dhanka dowladda Soomaaliya waxaa la filayaa in wefdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isana maanta gaaro dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulankaan gar wadeen ka ah, waxaana la filayaa in wixii ka soo baxa ay la wadaagaan warbaahinta.

Leave a Reply