12- November-2023
Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa laba sarkaal ku heshay danbiyo fuleynimo ah, kaddib markii dagaalyahanno ay gudaha u galeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin Soomaaliya bishii May.
Korneyl Deo Akiki iyo Major John Oluka ayaa baxsaday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer ee koonfurta magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan 50 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ayaa la dilay, sida ay saraakiishu sheegeen.
Uganda ayaa qeyb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Weerarkii Buulo-mareer ayaa ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada Midowga Afrika ee Atmis, tan iyo markii ay billaabeen weerarro cusub oo ka dhan ah Al-shabaab sannadkii hore.
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ku dhaliilay ciidankiisa jawaabta ay ka bixiyeen.
Maxkamadda ciidamada Uganda ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa dhageysatay in saraakiishaasi la siiyay digniin ku aadan weeraro ku soo wajahan balse ay ku guuldareysteen inay ka hortagaan.
Markii dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen saldhigga, ayaa waxay ku guuldareysteen inay isku soo uruuriyaan ciidankooda, waxayna taasi bedelkeeda u carareen saldhig kale.
Labada sarkaal ayaa laga ruqseeyay ciidamada.
Afar sarkaal-xigeen ayaa sidoo kale lagu helay dambi ah inay ilaalin waayeen agabka ciidamada.
Ciidamada Midowga Afrika oo gaaraya 19,000 oo askari ayaa loo soo diray Soomaaliya sanadkii 2007-dii, waxaana ay gacan ka geysteen in Al-Shabaab laga saaro magaalooyin badan.
Waxaa lagu wadaa in masuuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada dowladda Soomaaliya, islamarkaana sanadka soo socda ay dalka isaga baxaan kuwa ATMIS.
Si kastaba ha ahaatee, weeraradii ka dhanka ahaa Al-shabaab ayaa hakad ku yimid, waxaana weli ay gacanta ku hayaan deegaano badan oo miyi ah.
axay haystaan labada sarkaal mudo 14 maalmood ah inay racfaan ka qaataan go’aanka maxkamadda ee looga saarey Ciidanka Uganda, ee qeybta ka ah ATMIS