Xasan Sheekh oo faallo ka qoray is dhex galka Geeska Afrika

29,Novemver, 2020

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faallo ku qoray Majaladda Foreign Affairs oo falanqeysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Faallada uu Xasan Sheekh ku qorqy Majaladda Foreign Affairs ayaa cinwaankeedu ahaa:

Soomaaliya waa inay cagaheeda ku istaagto ka hor inta aysan is barbar taagin dalalka kale ee Geeska Afrika

Bishii Maarso 1977, Itoobiya iyo Soomaaliya waxay qarka u fuuleen dagaal la xiriiray gobolka Ogaadeen, oo ay labada dowladoodba sheeganayeen. Madaxweynihii kacaanka ee Cuba, Fidel Castro wuxuu safarro degdeg ah oo quus ah ku tagay Geeska Afrika isaga oo xambaarsanaa qorshe dhiifoon oo ku aaddan sidii nabadda loo ilaalin lahaa: isaga oo taageero ka helaya Midowgii Soofiyeetka, wuxuu soo jeediyey inuu mideeyo Itoobiya, Soomaaliya, Koonfurta Yemen iyo Dhulkii uu gumaysanayay Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha ee markaas xorriyadda qaadanayay (hadda ah Jabuuti) si uu uga dhigo Dowlad wayn oo haysata shuuciyadda Marxist-Leninist taas oo quuddarraynaysay inay la wareegto xukunka Badda Cas iyo dhammaan marinnada muhiimka u ah Suways Kanaal. Isku darista qorshihiisa oo kali ah ma ahayn inuu xalliyo qalaalqalka soo jiitamayay ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, balse wuxuu kaloo ku qotomay inuu manaafacsado fursadda dhaqaale ee gobolka. Sidoo kale ahmiyad wayn ayuu u lahaa Kremlin-ka, oo qorshuhu wuxuu xoojin lahaa guulihii shuuciyadda ee dhowayd wuxuuna ka dhigi lahaa Soofiyeetka awoodda dibadeed ee ku xooggan Geeska Afrika.

Dibloomaasiyaddii Castro ee uu ugu kala gooshayay labada dhinac waa ay ku guuldarraysatay inay taageero ka hesho madaxdii gobolka, gaar ahaan hoggaamiyihii milateriga Soomaaliya, Siyaad Barre, isla markiina Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa dhex maray hardan shar badan. Sidaas oo ay tahay, fikraddii ku salaysnayd Isku-tagga Geeska Afrika waligeed ma aanay dhiman.

In ka badan 40 sano oo laga joogo Dagaalkii Ogaadeeniya, qorshaha midaynta siyaasadda iyo dhaqaalaha Geeska Afrika wali waa mid nool – gaar ahaan dhanka Itoobiya, oo ah waddan aan xeeb lahayn kuna tiirsan dalalka deriska la ah si ay badda wax u soo maraan. Ururrada ka jira gobolka sida IGAD ayaa sidoo kale isku dayay inay kobciyaan isku-tagga sida Mareykanka oo kale, oo u aragta xiriir ganacsi oo qotodheer leh iyo iskaashi siyaasadeed inuu yahay gaashaan ka dhan ah xasillooni darrada iyo xagjirnimada.

Tan iyo markii uu xukunka majaraha u qabtay sanadkii 2018, Raysul Wasaaraha Itoobiya, Ahmed Abiy wuxuu dardargeliyey mashruuca midaynta gobolka. Wuxuu iskaashi iyo xiriir dhow la samaystay Soomaaliya iyo cadowgii ugu waynaa ee hore ee Itoobiya, Eritrea, isaga oo xitaa heshiis saddex geesood ah la saxiixday hoggaamiyayaasha labada dal, heshiiskaas oo dhidibbada u taagay nidaam iskaashi oo ku aaddan siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Waxaaba ka sii walaac badan, Raysul Wasaare Abiy wuxuu si furan u soo jeediyey in midaynta dhaqaale uu billow u yahay isu-tag siyaasdeed iyadoo ugu danbayntiina u xuubsiibanaysa hal dowlad oo midaysan iyo milateri oo ka dhasha Geeska Afrika.

Leave a Reply