Madaxweynihii hore ee somaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa ka badbaaday rasaas lagu weeraray kolonyo uu la socday

MUQDISHO — June 2″ 2021 Wednesday “

Saraakiisha mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ciidamo ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya ay rasaaseeyeen kolonyo baabuur ah oo galbinaysay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow Maxkamadda Gobolka Banaadir. Rasaastaas ayaa la sheegay inaysan sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

Xayeeysiin

Dhinaca kalena, mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey inay dhacday dhacdadaasi, waxayna sheegeen inay ahayd arrin u dhacday si shil ah oo aysan ahayn ula kac.

Wasiirka Caddaalladda ee dawladda federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay inay arrintaas ka raali-gelinayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiika oo la hadlayey warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu ahaa shilkaasi mid aan lagu talogelin.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dhacdadan ay ku lug lahaayeen ciidamada asluubta. Wasiirka ayaa intaaas ku daray in dhacdadaas baaritaan lagu samaynayo.

SIDEE LOOGA FAL CELIYAY WEERAR RASAASEEYNTA AH EE LAGU QAADAY GAWAARIDII UU LA SOCDAY MADAXWEYNIHII HORE EE SOMALIYA XASAN SHIIQ MAXAMUUD ?

Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo sheegay inuu la socday Madaxweynihii hore xilligii la rasaaseeyey ayaa ku sheegay bartiisa twitter-ka in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu baaritaan ku sameeyo, sida uu hadalka u dhigay, “isku dayga dil” ee ka dhanka ahaa Madaxweynihii hore. Waxa uu sheegay inay arrintaasi tahay “daandaasi aan la aqbali karin”.

“”””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””

WASIIRKA AMNIGA GALMUDUG AXMED MACALIN FIQI

Wasiirka amniga galmudug Axmed Macalin Fiqi oo Isna ka hadlay dhacdadaan ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku bilaabay “

Ciidamo ku sugan agagaarka maxkamadda gobolka Bamaadir ayaa rasaaseeyey baabuurkii uu saarnaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka badbaaday weerarkaas.

Ma ahan markii koowaad ee ciidamada halkaas ku sugan ay weeraraan mas’uuliyiin wadadaas maraysa, waxaana laga sugayaa Raysulwasaare Rooble inuu tallaabo degdeg ah oo sharciga waafaqsan uu ka qaado ciidamadaas iyo ciddii ka danbaysay amarka weerarka.

Weerarkii galabtay ayaa noqonaya kii saddexaad oo lagu beegsado madaxweynihii hore Xasan Sheekh isla markaana ku soo beegmaya markii la xalliyey xasradii ka taagnayd magaalada Muqdisho.

KU SIMAHA WASIIRKA CADAALDA RAALI GALIN KA BIXIYAY

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa raaligelin ka bixisay rasaas lagu furay kolonyo gaadiid ah oo galbineysay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Cadaaladda dowlada federalka Cabadulqaadir Maxamed iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Xabsiga Dhexe ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin rasaasta lagu ridey kolonyada gaadiidka ah ee uu la socday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha ciidanka Asluubta Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in falka uu ahaa mid aan wanaagsaneen ku tagalkana uusan ahayn in ciidan hal hadaf leh ay isku dhacaan.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabadulqaadir Maxamed ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay ka xunyihiin sida ay wax u dhaceen, raaligalina ay ka siinayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha Asluubta iyo Wasiirka Caddaalada ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in la baarayo sababta keentay in ciidanka isku dhacaan.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haatana ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada dalka.

Leave a Reply