Xasan Sheekh oo ku eedeeyay dowlada Soomaaliya inay dayacday dacwadda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya

February 12″ 2021″ MUQDISHO-

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud haatana ka mid ah musharaxiinta Madaxweynaha dalka ayaa ku eedeeyay dowlada uu madaxda ka ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inay dayacday dacwada badda ee u dhexeeysa dowlada Soomaaliya iyo Kenya.

Wareysi uu siiyay Xasan Sheekh Maxamuud taleefishinka Goobjoog ayuu ku sheegay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu afartii sano ee la soo dhaafay uu waqti iyo dhaqaale ku bixiyay kala furfurka maamul goboleedyada halkii uu xoogga saari lahaa dacwada badda.

“Dowlada qaddiyada badda kuma mashquulin waxana ay juhdi,dhaqaale iyo waqtiga ay gelisay Gedo iyo Jubaland kala furfuridiisa haddii ay gelin lahayd dacwada badda natiijo ayaa laga gaari lahaa xukuna waa dhici lahaa.”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay dowlada in ay si ula kac ah uga gaabisay in dacwada badda guul laga keeno kadib markii ay kala dirtey qareenadii iyo aqoon yahanadii u taagnaa dacwada badda.

“Dowlada inay marka Kenya ka hadasho dacwada badda ay ka daba hadasho waa nasiib darro,waxaan ka digayaa in Qatar badan ay ka soo socoto dacwada badda,kiiska waa dayacan yahay, shacabka waa inay ogaadaan, berrina aysan ku baraarugin.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa markii afaraad ka codsatay maxkamada ICJ in dib loo dhigo dacwada badda ee kala dhexeeysa Soomaaliya,hase yeeshee dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan aqbalayn in markale dib loo dhigo dacwada badda. Hadalka xasan shiiq ayaa timid markii Dowlada Kenya ay ka hadashay sababta ay u codsatay dib u dhigista Dacwada Badda

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa beeiniyay hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya Soomaaliya , waxyana sheegeen in sababaha ay ku dalbadeen dib u dhigista aysan ku jirin dood ku saabsan sharci ahaanshaha dowladda Soomaaliya.

Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga furan ee kiiska la xiriira muranka xadka badweynta Hindiya ee ay isku heystaan Soomaaliya, taasoo qorshuhu uu ahaa in la billaabo 15ka bisha March ee sanadkan.

Ujeedada ay u dalbadeen dib u dhigista dacwada ayay dowlada Kenya ku sheegtay inuu yahay sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.

Kenya ayaa garsoorka maxkamadda ku wargelisay in aysan dhageysiga dacwadda uga qeyb gali karin si rasmi ah, iyadoo ay jirto “khatar dhinaca amniga ah oo waddanka ku imaan karta” oo ku xiran natiijada kasoo baxda dacwadda la gudbiyay sanadkii 2014-kii.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe, oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda ayna ku doodeyso in Soomaaliya aysan xilligan ka jirin dowlad sharciyad u leh hogaaminta dalka.

“Waxay doonayaan inay ku buriyaan kiiskeena iyagoo ku doodaya Soomaaliya dowlad kama jirto,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in dib u dhac horleh oo ku yimaada kiiska loo ballansan yahay 15-ka March ee sanadkan ay sumcad xumo ku noqon karto maxkamadda.

Jadwalka dacwadda ee ay maxkamadda soo saartay

Bisha March ee sanadkan ayaa loo asteeyay kiiskan dacwadda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.

Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.

Leave a Reply