11″ March “2023” Muqdisho”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii danbe ee shalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaanada beesha Xawaadle ku metela labada aqal oo dhawaan soo bandhigay tabashooyin ay ka qabaan dowladda.
Shabakada Jowhar.com ayaa daabacday in Kulanka uu ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen ayaa waxaa dalbaday madaxweyne Xasan oo dareensanaa miisaanka uu leeyahay shirkii Nairobi ay bishii hore ku yeelatay beesha.
Xogaha laga helay kulankan ayaa sheegaya in looga hadlay tabashada Beesha ay ka qabto habka awood qeybsiga Hirshabeelle iyo in beesha matalada iyo xilalka ay ku leedahay dowladda dhexe ay ka hooseyso miisaanka ay leedahay Beelweynta Xawaadle iyo in lasii dardar galiyo dagaalada ka dhanka ah Shabaab.
Beesha ayaa iska soo saartay saddex xubnood oo kala ah guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaan壯陽藥 ka Soomaaliya Cali Shacbaan Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Sambaloolshe oo beesha uga wakiilka noqonaya sii wadista wadahadalada ay la leeyihiin dowladda, si loo xaliyo tabashooyinkooda.
Xildhibaanada beesha Xawaadle ayaa dhinaca kale madaxweynaha ka dalbaday in Isbitaal weyn ay dowladda ka hirgeliso magaalada Beledweyn, iyadoo bishii hore Shabaab ay weerareen guri ku yaala Muqdisho oo lagu daweynayay dhaawacyada ciidanka Macwuusleyda Xawaadle ee dagaaladii Hiiraan kusoo dhaawcamay