Xasan Sheekh;”General Galaal waxa uu ahaa Halyeey Qaran”

February ” 1 ” 2021

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Hotel Afrik si gaar ah Allaha U Naxariistee Gen. Maxamed Nuur Galaal oo xilal kala duwan kasoo qabtay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Xasan Sheekh oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada in Marxuum Galaal uu ahaa halyey qaran oo kaalin wanaagsan ka qaatay difaaca dalka, isla markaana uu tusaale u ahaa guud ahaan Soomaalida.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Afrik, si gaar ah waxaan uga tacsiyeynayaa geerida marxuum Gen. Maxamed Nuur Galaal oo ahaa halyey dalkeenna soo difaacay. Waxaan Alle uga baryayaa naxariistiisa janno, innagana samir iyo iimaan Alle ha naga siiyo. Argagixisadu Diin Maleh” Sidaasi waxaa qoraalkiisa ku yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Generaal Galal ayaa ahaa Taliyihii hoggaaminayey Ciidammadii Soomaaliya ee la wareegay ama qabsaday magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya iyo meelo kale oo Itoobiya ah.
Jeneraal Galaal ayaa noqday dowladdii Cali Mahdi 1991 Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo taliyaha Ciidanka kanoqday dowladdii KMG ee C/qaasim Salaad Xasan, ee lagu soo dhisay Carta 2000.

Waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu caansanaa uguna qibrada badnaa ee Soo mara ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Leave a Reply