7″ June “2022” Muqdisho” Radio Kulmiye
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goordhow gaaray Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, xili muddo loo xiray waddooyina qaar ee magaalada Muqdisho.
Ujeedka uu halkaas u tagay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay kormeer shaqo, isagoo u kuur gali doona hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo la leh, taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaannada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Shiikh tani iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimo ee dalka, waxaa uu waday safaro gudaha dalka ah, isagoo dhawaan safaro kala duwan ku tagay Magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb oo xarumo u kala ah Maamulada Koofur Galbeed iyo Galmudug.
9-ka bishaan ayaa loo caleema saarayaa xilka Madaxweynaha Soomaaliya sida uu qurshuhu yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo xilkaas loo doortay 15-kii bishii may ee sanadka 2022-ka, waxaana ka qeyb galeysa wafuud heer caalami ah.