Xasan Shiikh oo ku Baaqay inay Wadahadlaan DF iyo maamul goboleedyada

30″ December “2020” Garoowe”

Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee ka soconaya Magaalada Garoowe ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee xiligan uu marayo dalka.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxaa uu xusay in Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada Goboleedyada ka jira dalka ay heshiis ku gaareen doorasho ay ka dhacdo dalka, balse la isku haayo heshiiskii laga gaaray doorashada dhaqan-gelinteeda.

Xasan Shiikh ayaa Madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada ka dalbaday in mar kale ay shir wadatashi ah isugu yimaadan, islamarkaana xal waara laga gaaro tabashooyinka ka jira doorashada dalka ka dhaceysa oo weli muran xoogan uu ka taagan yahay.

Leave a Reply