Xasan Shiikh Maxamuud oo Mar Kale loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

15″ May”2022″ Muqdisho”Dheeho

Xildhiaannada labada ee Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xasan Shiikh Maxamuud u doortay Madaxweynaha afarta sanno ee soo socota ka dib Doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wareegii saddexaad ka guuleystay Madaxweynihii shanta sanno ee la soo dhaafay, Maxamed Cabdullaa Farmaajo.

Xasan Shiikh ayaa helay 214 codadka Xildhibaannada, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod, waxaa xumaaday saddex cod, sidaasi waxaa ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Madaxweynhii hore Maxamed cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Xasan shiiq Maxamuud oo loo dhaariyay xilka madaxtinimada somalia 4 ta sano ee socota

壯陽藥 class=”wp-block-embed is-type-rich is-provider-twitter wp-block-embed-twitter”>

Dabaaldag ayaa caawa ka biloowday dalka Uganda iyadoo dadka sida tooska ah ula socda tirinta codadka doorashada oo aan sugin ku dhawaaqista natiijada ay u muuqato guul taariiqi ah oo madaxweyne xasan shiiq maxamuud kaga adkaaday Madaxweynihii hore maxamed cabdulaahi farmaajo

Dadka wadooyinka isugu soo baxay xaafada soomaalidu u badan tahay ee Kisenyi oo wata funaanado uu ku sawiran yahay Madaxweyne Xasan shiiq maxamuud ayaa yeerinaya hoonka baabuurta iyo firmbiyaal iyaga oo socod ku maraya wadooyinka Kampala

Dowlada Uganda ayaa u ogolaatay dabaaldagaas oo u muuqda in uu yimid markii 328 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka somalia ay go,aan ka gaareen madaxweynaha 4 ta sano ee socota ee uu yeelanaya dalkeena Somalia

Waa kuma Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud?

Sanadkii 1955-kii ayuu Xasan Sheekh ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ee dalka Soomaaliya, haddana waa 66 ilaa 67 jir.

Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay magaalada uu kasoo jeedo, halka dugsiga sare iyo jaamacadda ku dhigtay magaalada Muqdisho, oo uu u wareegay.

Sanadkii 1981-kii ayuu ka qalan jebiyay kulliyadda tiknoolojiyadda ee Jaamacadda. Kaddib waxa uu heerka sare ee Jaamacad kusoo bartay waddanka Hindiya.

Markii uu dalka dib ugu soo laabtay, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shaqaale ka noqday Wasaaradda Tacliinta ee Soomaaliya, isagoo macallin kasoo noqday iskuullo iyo Jaamacado.

Shaqooyinkiisii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa inuu tababare ah ka noqday dugsiga farsamada ee Lafoole. Inta badan shaqooyinkiisa waxay ahaayeen wax baridda ama macalinnimada.

10-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii, xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh Maxamuud u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii la qabtay doorasho dadban.

Leave a Reply