Qaar Ka Mid Ah Dhalinyaradii Ku Geeriyootay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho ooy Cambaareeyeen Xasan Shiiq , Shiiq Sharif Iyo CC /,Shakuur

INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

28,November,2020 Muqdisho

Masuuliyiinyan oo qoraallo soo dhigay bartooda ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen falkii foosha xumaa ee argagixisadu ku weerareen maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho,

Falkaas oo ay ku geeriyoodeen dhalinyaro mustaqbalka dalkeenna muhiim u ahaa.

Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaska Marxuumiinta naga baxay Allaha u naxariistee, anigoo dhaawacyadana Alle uga rajeynayo caafimaad degdeg ah.

Ugu dambeyntii waxaan ku boorinaynaa Hay’adaha Amniga ee Dowladda inay labalaabaan dadaalkooda ku aadan sugidda amniga, anigoo ugu baaqaya ineysan ka weecan, kana mashquulin howshii loo igmaday ee sugidda amniga, si gaar ah xilliga kala guurka.

Waxayna tacsi u direen ummadda Soomaaliyeed & eheladii ay ka baxeen muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxii Gelato Divino, Iyaga oo dadkii ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad degdeg ah. Dhalinyarada halkaas ku geeriyootay inta la aqoonsaday

Waa habeen kale oo murugo badan oo aan weynay dhallinyaro indho u ahaa ummaddeenna, ayay ku yiraahdeen qoraalkooda iyaga oo ugu baaqay dadka soomaaliyeed in ay u midoobaan ka hortagga cadowga aan naxariista lahayn ee argagixisada dowlada somalia ayaan ilaa haatan ka Hadlin qaraxa islamarkaasna aan tacsi ka dirin masiibada abni sumo ee dalka ka jirta

Leave a Reply