28″ December “2020
28 jirkaan ayaa xaflad dheer ku qaban doona qasrigiisa ku yaal Brazil si uu u waco 2021
Xiddiga Paris Saint-Germain Neymar wuxuu martigelin doonaa xaflad sannadka cusub loogu dabaaldegayo ugu yaraan 150 qof oo ku nool Brazil, In kasta oo uu faafay Covid-19, oo galaaftay nolosha in ka badan 190,000 oo qof oo ku nool Brazil, haddana 28 jirkan waxa uu isku diyaarinayaa dabaal deg uu ka samaynayo qasrigiisa ku yaal Mangaratiba oo sida wararku sheegayaan shan maalmood socon doonaan
XAYEEYSIIN”
Agencia Fabrica, oo ah shirkada isku duba riday xaflada, ayaa gaashaanka ku dhufatay sheegashooyinka ah in ku dhowaad 500 oo qof ay ka soo qeyb galayaan waxayna ku adkeysaneysaa inay u hogaansameyso talaabooyin adag oo dhanka caafimaadka iyo amaanka ah si looga hortago faafitaanka Covid-19.
Qoraal ka soo baxay qabanqaabiyeyaasha xafladda ayaa u dhignaa sidan: “Agencia Fabrica waxay cadeyneysaa inay tahay abuuraha iyo soo saaraha munaasabada sanadka cusub ee gobolka Costa Verde, ee gobolka Rio de Janeiro, oo qaabilayaan ugu yaraan 150 qof.
Munaasabadan ayaa dhici doonta iyadoo la waafajinayo dhamaan heerarka caafimaadka ee ay go’aamiyaan hay’adaha dowliga ah. Shirkaddu waxay kaloo caddeynaysaa in munaasabadda gaarka loo leeyahay, oo marin u leh martida oo aan la iibin tikidhada, ay ku dhacdo dhammaan ruqsadaha ay ka helaan hay’adaha awoodda u leh xaqiijintooda.
Brazil waxaa si ba’an ugu habsaday aafada, iyada oo kaliya Mareykanka uu ku dhintey dhimasho ka badan tan koonfurta Ameerika, halka ay jiraan in ka badan 7 milyan oo kiisas la xaqiijiyey – oo ah saddexaad ee ugu tirada badan adduunka.
Madaxweyne Jair Bolsonaro waa laga dayriyey darnaanta fayraska, in kasta oo dhowr jeer laga hubiyey inuu qabo. Hogaamiyaha garabka midig sidoo kale wuxuu ka shakisan yahay talaalka ay soo saartay Pfizer-BioNTech.
Wuxuu yiri bishaan: “Qandaraaska Pfizer waa wax iska cad” Anaga masuul kama ihi wixii waxyeelo ah. Hadaad isu rogto Yaxaas, waa dhibkaaga.
XAYEEYSIIN”
“Haddii aad noqotid bini-aadamnimo ka weyn, haddii haweeneydu ay gadh beerto ama haddii ninku bilaabo inuu ku hadlo cod firfircoon, iyagu [kuwa soo saara tallaalka] wax shaqo ah kuma lahan.”
Neymar ayaa dhaliyay sagaal gool seddexna wuu diiwaangaliyay 12 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan kooxda PSG. Xiddigii hore ee Barcelona ayaa dhaawacmay tan iyo bartamihii bishii Diseembar, waxaana la filayaa inuu taam u noqdo inuu ka soo muuqdo kooxda Ligue 1 ka ciyaarta horraantii 2021, iyadoo kulankooda ugu horreeya sanadka loo qorsheeyay 6da Janaayo.
Xilligan la joogo tababare la’aan laakiin waxay ku sii dhawaanaysaa inay la soo saxiixato tababarihii hore ee Tottenham Mauricio Pochettino, PSG ayaa wajihi doonta Saint-Etienne waxayna seddex maalmood ka dib ku marti qaadi doontaa Brest garoonka Parc des Princes.
Les Parisiens ayaa ku jirta kaalinta seddexaad ee kala sareynta horyaalka Faransiiska, waxay hal dhibic ka hooseysaa Lyon iyo Lille ka dib 17 kulan.