Galgaduud Dagaal Beeleed Iyo Dilka Laba Ganacsade oo Dhuusamareeb

31- October-2023

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug laba nin oo ganacsato ah oo lagu kala magacaabi jiray Siyaad Tahliil Maxamed iyo Sheekh Xasan Diirshe.

Guddoomiyaha gobolk犀利士 a Galguduud Cilmi Cali Gabey ayaa sheegay in ilaa hadda aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilka iyo cidda ka dambeysay, balse ciidamada ammaanka ay hadda wadaan baaritaanno la xiriira falkan.

Dilka ganacsatadan ayaa imaanaya iyadoo 7 qof ay ku dhinteen dagaal culus oo maanta oo Isniin ah ka dhacay deegaanka Xananbuure oo qiyaastii 45-km u jira magaalada Dhuusomareeb.

Axadii, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa Ururka Al Shabaab ku eedeeyay inay hurinayaan dagaal beeleedyada ka dhaca Gobolada dalka.

Wasiirku waxa uu daboolka ka qaaday in kooxdaasi ay dhaqaale badan ku bixinayso hurinta colaadaha ka taagan deegaannadii hore looga saaray, iyadoo la doonayo in ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka laga weeciyo hawl-gallada ciidan ee ay kaga hortagayaan.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaal Beeleedka Ka Qarxay Deegaan Hoos Taga Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka wali ay xiisad kacsanaa ah ka jirto deegaanka Xananbuure oo qiyaas ahaan u jira magaalada Dhuusamareeb 45 KM. Dheeho News Every Day

Sida wararku sheegayaan, deegaankaasi oo dhaca duleedka Waqooyi ee Dhuusa-mareeb waxaa dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ka wada laba maleeshiyo oo qaab beeleed u abaabulaan, kuwaasoo shalay uu dhexmaray dagaal ay ku naf waayeen ilaa 7 ruux, tiro intaasi kabdana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka shalay waxaa la sheegay inuu ka dhashay murun ka bilaawday Ceel biyood laga dhisayo deegaanka, waxaanma guul dareystay dadaalo shalay lagu dhex dhexaadinayay dhinacyada dirirtay.

Odayaal iyo waxagarad kasoo kala jeeda labada dhinac ee dirirta u dhexeyso iyo mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa ku baxay xiisada, waxaana socda waan waan lagu doonayo in lagu kala qaadop labada maleeshiyo beeleed, si loo guda galo waji lagu wada hadli karo.

Gobollada dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaasi oo loo arko inay saameyn ku yeelan karaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab

Leave a Reply