22″ December “2022 ” BAYDHABA
Xiisad Ka Dhalatay Mudo Kororsiga Cabdicasiis Laftagareen Ayaa Laga Dareemayaa Magaalada Baydhaba Janaay Dheeho.com
Xiisada ayaa u dhaxeeysa ciidanka K/Galbeed iyo kuwa la baxay Badbaadada Shabakada Wararka ee Caasimada Online oo la hadashay dadka deegaanka ayaa ogaatay in ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed oo wada abaabul xoogan ay haatan isku uruursanayaan meel duleedka magaalada ah, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo Iska soo horjeeda,
Saraakiisha hoggaamineyso ciidamada badbaadada K/galbeed ayaa wariyaasha u sheegay inay kasoo horjeedaan mudo-dhaafka maamulka Laftag犀利士 areen, oo kororsaday hal sano
Xiisadda ayaa u muuqata mid ka sii dareysa, waxaana dhinaca kale cadaadis xoogan la kulmaya madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday, si uu ugu yaraan u qaado tallaabo abuuri karta is-faham
Kacsanaanta xaalada maamulka koonfur/galbeed ayaa imaaneeysa iyadoo gudoomiyaha baarlamaanka Somalia shiiq aadan maxamed nuur uu iclaamiyay shir dib u heshiisiin ah oo lagu Wado in la qabto 5-ta bisha January ee sanadka 2023-da.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha ammaanka ee magaalada Baydhabo oo ku aadan xaaladaha kasoo kordhay magaaladaasi, oo haatan wajaheyso xiisad horleh iyo hardan siyaasadeed oo ku aadan loolanka doorashada Koonfur Galbeed oo lagu horgudbay mudo kororsi aan laysku raacin
Koonfur Galbeed ayaa waxaa horay uga dhacay doorasho keentay in la xiro musharaxii doorashada u taagnaa ee Muqtar rooboow cali oo hada ah wasiirka diinta xukuumada fadaraalka Somalia iyadoo mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhashay xariga muqtaar rooboow ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo in dalka laga ceyriyo ergaygii hore ee Qaramada midoobay u qaabilsanaa Somalia