Xiisad ayaa ka taagan Garoonka Aadan Cadde iyadoo c/wali shiiq muudeey laga hor Istaagay yahay in uu aado Baraawe

13″ Feb”2022″ Muqdisho

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Barlamaanka Cabdiwali  Shiikh Ibraahim Muudeey ayaa gabi ahaanba loo diiday in uu raaco diyaaradii u qaadi lsheeyd Magaalada Baraawe ee xarunta Dowlad Goboleedka KGS.

Ilo kala duwan oo ku sugan garoonka Aadan Cadde,ayaa inoo sheegay in loo diiday in ciidan oo la raaco diyaaradda.

Ciidamo ka amar qaata  la-taliyaha dhanka Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo ayaa diideen in halkaasi uu ka duulo sida ay inoo shegeen qaar kamid ah howlwadeenada Garoonka Aadan Cadde

Xogaha qaar ayaa tibaaxaya in Ciidamadii uu watay Muudeey iyo kuwii Fahad Yaasiin ayaa hada xiisad culus oo u dhaxeeyso garoonka ka taagan tahay in Wararka qaar shegayaan in arinkaasi uu soo farogeliyay Wasiirka Amniga Soomaliya.

Muudeey ayaa ka mid ah Musharixiinta utaagan mar  kursiga tirsigiisu yahay HOP#145 ee Golaha Shacabka, taa oo afartii sanno ee lasoo dhafay uu ku fadhiyay in kastoo ay soo baxayeen in taratanka doorashada loo diidanyahay.

Leave a Reply