26″ Aug”2022″ Hadhwanaag
Xisbiyada Mucaaradka ayaa Loo Soo Jeediyay Inay Muuse Dalka Ka Badbaadiyaan iyadoo Xiisada siyaasadeed ee ka aloosan Somaliland oo sii kulu,laatay iyad
8′,maalmood ayaa ka harsan tahay waqtigii doorashada maamulka muuse biixi
HALKAN HOOSE GUJI
Afar Kooxood Oo uu soo abaabulay xisbiga muse biixi ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku weerareen asxaabta mucaardka iyaga oo yiri
Waxa ay si khaldan u fahmeen inay kursiga ku heli karaan qaylo iyo durbaan reereed”
Wuxuu daaqad ka saaray guddigii dhexdhexaadinta ee ganacsatada ahaa ee doonayey inay sharciga dhexdhexaadin u jebiyaan.
= Wuxuu meesha ka saaray walaacii ay qabeen madaxda ururrada cusub, ee ahaa in mar la wada qabto doorashadda ururrada iyo doorashadda madaxtooyada.
= Wuxuu jebiyey kooxihii warbaahinta la fadhiyey hanjabaado iyo faan aan meelna jirin ee ay ku doonayeen inay kursiga sidaasi ku fuuli doonaan. Waxa ay si khaldan u fahmeen inay kursiga ku heli karaan qaylo iyo durbaan reereed.
= Wuxuu rejo beel ku riday xisbiyadda mucaaradka oo in uun doonayey inay wax ku helaan dhexdhexaadin, markii ay sharci ku waayeen in aan la socodsiin furista ururrada.
Shalay ahayd Markii
Akhriso warmurtiyeed ay soo saareen, Ganacsatadii dhexdhexaadinta ka dhex wadday Mucaaridka iyo Xukuumadda Somaliland
Ku: Shirguddoonka Golaha Guurtida;
Ku: Shirguddoonka Golaha Wakiillada;
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland
25/8/2022
Talo soojeedin ku saabsan doorashooyinka
Anaga oo ah ganacsato isku xilqaamay sidii xal loogu heli lahaa muranka ka taagan doorashooyinka soo socda, waxannu la tashanay khubaro sharciyaqaanno ah shirar aannu yeelanay ka dib. Waxa noo soo baxday in arrinta la isku hayaa tahay mid sharci. Haddaba annaga oo ka duuleyna muhiimadda ay leedahay in golayaasha sharciga loo noqdo marka muran noocan oo kale ahi yimaaddo, waxaannu garannay in aannu talooyinkan u jeedinno golayaasha sharci dejinta.
1. In la dadejiyo oo sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro ansixinta xubnaha ka dhiman Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
2. In la isku sidko oo mar la wada qabto labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururada/xisbiyada.
Sababaha aannu ugu talinay in labada doorasho la isku sidko waa:
• Duruufaha dhaqaale ee maanta dalkeenna ka jira sida abaaraha iyo sicir-bararka oo aan innoo suura gelineyn in la qabto laba doorasho oo muddo koobani u dhexayso oo ay ku baxayso labanlaab lacagtii ku bixi lahayd doorasho isku sidkan.
• Waxa sannadkii hore innoo qabsoomay laba doorasho oo isku sidkan oo noqday tusaale wanaagsan oo daariiq cusub innoo jeexay. Hadaba halkii saddex ama afar jeer doorashooyin la qaban lahaa shantii sannood ee kastaba, labada doorasho oo mar la wada qabtaa waxay innoo suura gelineysaa in laba jeer oo keliya doorashooyin la qabto 5-tii sannadoodba. Dalku ma awoodi karo in dhowr iyo tobankii biloodba mar doorashooyin la qabto.
Go’aankii maxkamadda sare iyo kaabista xeerarka ee golayaasha sharci dejintu waxay kor u qaadeysaa sarreynta sharciga iyo in la xoojiyo oo kalsooni la siiyo hay’adaha sharciga ee dalka, waxaaynay xal u noqonaysaa muranka imika taagan.
Waxannu ugu baaqeynaa xukuummadda, xisbiyada mucaaridka, ururrada siyaasadda iyo dhammaanba dadka reer Somaliland in ay golayaasha sharci dajein ku taageeraan sidii ay arrintan xal waara oo sharciga waafaqsan uga soo saari lahaayeen.
Allaa Mahad Leh
Xaaji Aadan Axmed Diiriye
Cabdirashiid Maxamed Siciid
Cabdikariim Maxamed Iid
Ismaaciil Ibrahim Axmed
Maxamed Shukri Jaamac
Cabdillaahi Carab Ismaaciil