Xiisadii U dhexeeysay Asxaabta Mucaaradka Somaliland iyo Muuse Biixi oo cirka isku shareertay

16″ November “2022” Hadhwanaag

Digniin ayaa loo Diray Xaafad Ka Mid Ah Daanta Arabku Ka Dago Hargeysa iyadoo odyaal sheegay in ay matalaan Beesha Dhulbahante ay U jawaabeen beelaha Garxajis

Shabakada Hadhwanaag ayaa ku warantay Digniin loo diray Xaafad ka mid Ah daanta Arabku ka dago magaalada Hargeysa iyadoo odyaal sheegay in ay matalaan Beesha Dhulbahante ay U jawaabeen beelaha Garxajis

Ciidamada Booliska ayaa kula kacay garaacis iyo falal ka baxsan baniaadantinimada, dhalinyaro taageersan asxaabta mucaaradka iyaga oo Tiro dhalinyaraadaas ka mid ah ooy Ku jiraan haween Xabsiyada dhigay, Masuul u hadlay Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani ayaa sidaa sheegay

Tan iyo markii Muuse Biixi uu bilaabay mudo kororsiga Isaga oo ka meer,meeraya doorasho, Somaliland waxay wajaheeysay daganaashiyo la,aan siyaasadeed sidaas waxaa yiri suxufi madax banaan oo ku sugan Somaliland

Waxa inoo dhamaaday 5 sanno oo muran ah, 5 sanno oo xadhig iyo cabudhin ah, 5 sanno oo hay’adihii dowlada ee lagu wareejiyay ay daciifeen, 5 sanno oo garwoshiyo la’aan ah, 5 sanno oo qaybsanaan ah, 5 sanno oo aragti la’aan ah, 5 sanno oo qorshe la’aan ah” ayuu ka sheegay Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi.,Shir Jaraa’id oo uu qabtay

Waxa uu sheegay in qorshe la’aanta Xukuumadda ku tusayso in Wasaaradihii ay intay galaan mareegaha dowlado kale ay soo qaadanayaan siyaasado shisheeye, isaga oo uga jeeda Wasaaradda Caafimaadka oo la sheegay inay soo qaadatay siyaasada dowlada Sri lanka ee ku aadan Xumadda Dangi.

Madaxweynaha ayuu ku tilmaamay in uu yahay shakhsi dagaaladii uu galay ay maskaxdiisa wax yeeleen, oo isku haysta in uu wali jabhad-yahay, isla markaanna aan u dhaqmayn sidii qof masuula ee u dhaqmaaya sidii qof jabhad ah oo kale, isaga oo sheegay inuu ergo kasta diiday.

Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo isna warbaahinta la hadlay, ayaa eedaha mucaaradka Xukuumadda ka difaacay, isaga oo sheegay in mucaaradku ay kala qaybiyeen bulshadii Somaliland, oo mudadii uu Madaxweyne Biixi joogay ay shacabka Qabyaalad, muran iyo 壯陽藥 cunfi ku abuureen, isaga oo sheegay in muddo kordhinta aan laga laaban doonin.

Mucaaradka iyo Xukuumadda ayaa isku maan dhaafsan ta soo horaynaysa doorashooyinka Ururada iyo Madaxtooyada, iyadoo wada-hadallo la filaayay inay bilaabmaan ay burbureen, kadib markii Axsaabta mucaaradku ay Madaxweynaha kalsoonidii kala noqdeen.

Shirkii golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho ugu soo dhamaaday madaxda dowlada dhexe ee Somalia iyo dowlad goboleedyada ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in ay iska ilaaliyaan wax walba oo keeni karo in ay rabshado

Leave a Reply