Qoraaga Bootaan Axmed Xalane Ayaa Hal,abuuray tix sugaaneed uu Ku cabirayo waxqabadka Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimacaale ,Isaga oo suugaantiisa ku muujinaya sida ay uga qaybqaataan shirkadaha uu abuuray ganacsadaha marka ay xaalado adag soo wajahaan bulshada, waxa uu ku bilaabay Qoraagu !!
Doqoni cadow uma bareerto
Bad iyo berri kama difaacdo
Ma baanato maatadeeda
Markii bixisadu timaado
Halyeygii bixin lahaana
Iyadaa boqnihiisa goysa
Sheekhaas magaciisu baahay
Baallaha dunidana ka muuqda
Somaalida bilay hankeeda
Bar-tiigsina noo ahaaday
Sheekhaas baarrinimadu siisay
Markii belo eebbe keeno
Isagoon beel gaara fiirin
Inuu dadka wada baxnaansho
Sheekhaas danta guud billaaba
Hantida aan kala baqaylin
Samaha shacabka ugu baaqa
Markii loo baahdo kaalmo
Sheekhaas boobsiiya deeqda
Sheekhaas rabbigey barbaarshay
Burjiga diintana la saaray
Wixii cadow soo butaacay
Gaaladii soo wada biqleysay
Basaasiintii hageysay
Sheekhaas eebbehey ka baabay
Sheekhaas naxariistu buuxdo
Ilaaheey barakadiisa
Ayuu ku bullaalayaaye
Qof xaasida oo bestiisa
Weynaha bixintiisa diiddan
Isaga uun baa balbaliye
Baroortiisiyo hayaayda
Wanaaggu u baaqan maayo
Sheekhaas beerjileec ku gaaray
Malaayiin abuu bidaar ah(dollar)
Inuu sadaqada u bixiyo
Danyartaas wada basaasan
Inuu sanadkii ku biilo
Ayaa guri boqolkun jooga
Aniga boob iiga heysta
Ninkii yiri waa bukaaye
Qalbiga boog baa ku taale
Ilaahey ha ka bogsiiyo
Waxaa loo borobogaamay
Intaa laysu soo bahaystay
Inuu kaalintaas banneeyo
Bulshadu samafalaha weydo
Amase xoogaa baqshiisha
In laga balaqsado tujaarka
Haddii been lala dhawaaqo
Buun aan jirin la isu yeersho
Haddii beelo idil la kiciyo
Barihii bulshdiyo xiriirka
Haddii boqol qaaqle yeerto
Amuu biidhi qaato qeylsho
Kolley baad lagama yaabo
Baryose waa u sakhi wadaadku
Waxaan beddelmeyn xaqiiqda
Runtaan boor qarin kareyne
Alloow yaa buuqa daaya
Waxaa Tiriyay Qoraa /SareBootaan Axmed Xalane