Radiokulmiye
Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac Ciyaarjecel oo ka hadlay xarigga sharci darrada ah ee NISA ay kula kacday Weriye Cabdullahi Kulmiye Caddow ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay ‘xarigaas aan sifada sharciga ah loo marin’ isagoo baaq u diray ra’iisul wasaare Rooble.
“Waxaan ka walaacsanahay xariga Weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo aan sifo sharci ah loo marin, waxaan xukuumadda , gaar ahaan Ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble, ugu baaqayaa in uu xoriyadiisa dib ugu soo celiyo wariyaha una ogolaado wariyeyaasha in ay shaqadooda u gutaan si cabsi la’aan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Shire.
Xildhibaan Cabdi Shire oo ka mid ah mudaneyaasha golaha shacabka ayaa qoraalkan uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Rooble madax-banaanideeda lagu tijaabin doono, sida ay u maareyso xarigga Weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow.
“Xariga wariye Cabdullaahi wuxuu tijaabo lagu qiimeyn karo u noqonayaa madaxa banaaninada xukuumada cusub ee aan wali la soo dhisin ee uu madaxa u yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Suxufi Cabdullaahi Kulmiye ha la sii daayo” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel).
Weriye Cabdullahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan shaqaalaha KNN ayaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hey’adda NISA si sharci darro ah ugu xiran maalinkii labaad, waxaana falkaas aad u cambaareeyay siyaasiyiin badan oo ugu baaqay xukuumadda Farmaajo inay sharciga ilaaliso.