Xildhibaamnada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya  oo si wadajir ah u ansixyay miisaaniyadda 2022

June” 30, 2022″Muqdisho ” SONNA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo ku-xigeenka koobaad ee Golaha shacabka oo ay weheliyaan Guddoonka  Aqalka sare ayaa shir guddoomiyey Kalfadhiga 1aad kulankiisa 9aad ee wadajirka ah, iyadoo Ajandaha kulanka uu ahaa   Akhrinta sadaxaad iyo u codeynta miisaaniyadda 2022-ka.

Guddiga KMG ah ee loo xil saaray odoros犀利士 ka miisaaniyada ayaa soo jeediyey warbxin guudna  ka siiyey Xildhibaannada.

Guddoomiyaha ayaa soo jeediyey in Xildhibaanada ay miisaaniyada u codeeyaan maadaama dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay laga dooday su’alana laga weeydiiyay Wasiirka WasaaradDa Maaliyadda, iyadoo gaba-gabada cod gacan taag ah ugu codeeyeen 204 mduane oo ogolatay,  halka labo Xildhibaan ay ka aamustay  waxaana diiday labo xildhibaan oo kale, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in sidaasi miisaaniyada ay ansax ku tahay, maadaama 204 Xildhibaan ay ogol ugu codeysay.

Leave a Reply