19″ June “2022” Muqdisho”
Ilaalo ka tirsan ciidamada duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan C/llaahi Kulane oo ka mid ah ragii lagu eedeeyay dilkii ikran tahliil ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Iyadoo laga reebayo la shaqeeynta dhaw ee ay la leeyihiin xildhibaanka
Qoraal uu soo saaray Xildhibaan Cabdullaahi Kullane oo kamid ahaa Saraakiisha ugu sarreysay ee Hay’adda Nabad Sugida Dowladdii Madaxweyne Farmaajo ayaa xaqiijiyay in laga qaaday Ciidamada Ilaadiisa Gaarka ah.
Kulane oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Facebook ayaa waxaa uu ku yiri:
“In lala noqdo ilaaladeenna gaarka ah, nagama hor istaagayso inaan shaqadeenna gudanno, namana cabsi gelinayso”.
Xildhibaan Cabdullaahi Kullane ayaan faah-faahin ka bixin cida bixisay Amarka looga qaaday Ciidamada Ilaalada.
Balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in amarkaan uu bixiyay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida, Mahad Maxamed Salaad ka hor inta uusan la safrin Madaxweyne Xasan Shiikh Maxam犀利士 uud oo maanta u amba baxay dalka Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale, waxaa garoonka lagu xiray labo kamid ah Ilaalada Cabdullaahi Kullane, kuwaasi oo doonayay in ay u safraan mid kamid ah Gobolada dalka.
CUSBOONEEYSIIN
Ilaalo ka tirsan Nabadsugida, gaar ahaan Ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan C/llaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa maanta lagu xiray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,
Warar la helayo ayaa ayaa waxaa ay sheegayaan in Ilaalada iyagoo fasax la’aan ay ka Garoonka ka dhoofi rabeen, isla markaana safar u ahaa Gobolka, iyagoona ku baxayay qaab ciidan Boolis ah, gaar ahaan qeybta Daraawiishta, kunaa hubeysna qoryaha fudud.
Laba Askari oo mid ahaa illaa shan Askari oo hoos tageysay Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa la siiyay Xildhibaan C/llaahi Kulane inay ilaaliyaan, inta Xildhibaanka Ilaalo Ciidan Boolis ah ka helayo.
Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala galay in amnigooda ilaaliyaan Ciidan Boolis ah oo uu xaq u leeyahay, oo loo ansixiyay xilligii Baarlamaankii 9aad.
Cabdullaahi Aden Kulane oo haatan ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa horey usoo noqday Madaxa Shaqaalaha ee Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaran ee NISA, dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Mahad Salaad oo amray in Ilaalada laga wareejiyo Xildhibaan ka tirsan Gollaha Shacabka.
Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa kahor intii aysan ka duulin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, una socdaalin Imaaraatka Carabta amray in Ilaalada laga wareejiyo Xildhibaan Cabdullaahi Aden Kulane, oo horey usoo noqday Madaxa Shaqaalaha ee Hay’adda NISA, haddana katirsan mudanayaasha golaha shacabka.
Saraakiisha NISA ayaa sheegay in ay haystaan Amarka agaasimaha oo bixiyey kahor intii uusan raacin Madaxweynaha, kaas oo ah in dhammaan Ilaalada laga qaado Mr, Kulane.
Sidoo kale, Labo kamid ah Ilaalada Xildhibaan Kulane ayaa laga xiray maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo fasax ugu baxayey qoysaskooda oo degan meel kabaxsan Caasimada Soomaaliya.