Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in aysan ahayn dastuuri in Madaxweynuhu ku soo magacaabo ra’iisul Wasaare muddo bil gudaheed ah.
“Madaxweynaha muddada uu kusoo magacaabi karo Ra’iisul Wasaaraha waa 30 maalmood. Haddii ay soddonkaas maalmood ka dhammaato, haddana wuxuu qaab maamul ah ula soo xidhiidhi karaa guddoomiyaha baarlamaanka, isagoo ka dalbanaya in waqti macquul ah oo dheeraad ah loogu daro si uu, wadatashiyo dheeraad ah usoo sameeyo ugu dambeynna ugu soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha. Marka u maleyn maayo in dhib dhinaca dastuurka ah ama mid siyaasadda ah uu ka imaanayo arrintaas.” ayuu yiri xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil.

Waxa uu sidoo kale sharraxay arrin in muddo ahba la isla dhex marayay oo ku saabsan inuusan jirin qodob sharci ah oo dhigaya in madaxweynaha la siiyo 30 maalmood oo kale.
“Madaxweynuhu uma baahna inuu ku laabto Baarlamaanka. Waxaa si gaar ah u wada hadlaya isaga, guddoomiyaha baarlamaanka iyo golaha maamulka Baarlamaanka, oo la yiraahdo golaha joogtada ah, sidaas ayey u xeerinayaan arrinta,waana dhaqan horay loo soo arkay.”

Muddo hal bil ah ayaa laga joogaa markii uu xilkiisa waayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, walina lama soo magacaabin qofkii baddali lahaa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee dalka Soomaaliya soo maray oo muddo soddon maalmood gudahood ah ku soo magacaabi waaya ra’iisu wasaare
