Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federalka oo geeriyooday

10″ March “2021

Allaha u naxariistee xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow oo katirsanaa Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ehelada Xildhibaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Xildhibaan Boonow u geeriyooday xanuun, lamana shaacin wali xanuunka uu Xildhibaankan katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya saakay u geeriyooday.

Gudoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geertida ku timid xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow, waxa ayna ilaah uga baryeen in janadii fardowso ka waraabiyo.

Xildhibaan Boonow ayaa kusoo biiray Baarlamaanka Soomaaliya sanadkii 2012-kii, waxa uuna soo noqday Wasiiru dowlihii wasaarada Amniga gudaha Xukuumadii uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyre.

Leave a Reply