Xildhibaan ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa laga joojiyay Lacagta Mushaarka ahayd ee uu ka qaadan jiray maamulkaasi, waxaana sidoo kale laga joojiyay in uu ka qayb galo fadhiyada Baarlamaanka iyo madaxda Maamulkaasi ay yeeshaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa warqad uu soo saaray waxaa uu kaga joojiyay fadhiyada iyo Gunnada Xildhibaan C/llaahi Axmed Calasow, oo ka mid ahaa Xildhibaanada maamulkaaasi Galmudug, waxaana ay billaaban doonta fadhi ka joojintu 12 Octobe
Xildhibaaanka ayaa lagu eedeyay falal lid ku ah habsami u socodka fadhiyada Baarlamaanka, waxaana la sheegay in uu ku howlallanaa qas uu ka dhex abuurayay kulamada Xildhibaanada.
Hoos ka aqriso Warqadda