Xildhibaan Xasan Firimbi oo bixiyay raali galin rasmi ah,kadib Feerkii uu ku dhibaateeyay Askari Boliis ah.
Toban maalin kadib rabshadihii ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee BFS,Xildhibaan Xasan Firimbi iyo Askari Boliis ah oo katirsanaa ilaalada Xarunta Golaha Shacabka ayaa sawir kasoo wada muuqday,waxaana Xildhibaanka uu raali galin ka bixiyay dhibaatadii uu u geystay Askariga.
Kiiska Askari iyo Xildhibaanka ayaa la saadaalinayay inuu u gudbo hey’adaha Cadaaladda,balse waxaa muuqato in hoose loo xaliyay.