Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay mooshin ka dhan ah xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza

24″ April “2023” Muqdisho

犀利士 ll has-custom-border”>

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay mooshin ka dhan ah xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaasi oo ay wadaan qaar kamid ah xildhibaanada.

Xildhibaanada kasoo horjeestay mooshinkan oo la rabo in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, ayaa waxay ku doodayaan in aan xilligaan la wiiqin dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, oo aan fursan la siin argagixisada.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kamid ah xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinkan ayaa waxa uu sheegay in waxx walba ay ku noqonayaan Zero oo ka dhigan halkii hore looga soo qaaday, marka loo eego horumarka laga sameeyay amaanka caasimadda dalka ee Muqdisho iyo gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaano aanu saaxiibonahay oo meelo kala duwan jooga ayaa habeenadan ila soo xidhiidhaya oo igala hadlaya in aan ka qayb-qaato kambayn-ka Mooshin lagu ridayo Xakuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse,” ayuu yiri qoraal uu Xildhibaan Xayir Maareeye soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Saaxiibaday waxaan u sheegay in inkasta oo aanan ka mid ahayn Xukuumada RW Xamse hadana in aanan jecelayn in la rido xukuumada, waayo waxaan ku faraxsanahay oo dawladda ku amaanayaa dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo sida ay wax uga qabatay Amniga Magaalooyinka qaar sida Muqdisho, hadii hada la furo muran siyaasadeed ama xukuumada la ridona wax waliba waxay ku noqonayaan zero.”

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sidoo kale waxa uu iftiimiyay in mooshinka ka dhanka ah xukuumadda lagu rabo dano gaar ah, islamarkaana meesha ka saarayan rejada iyo dowlad-dhiska umadda Soomaaliyeed, taasi oo dabada ka riixayaan dowladda shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Wararkii ugu dambeeyay ee mooshinka R/W Xamza

Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya guuxa siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka laga wado xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, kaas oo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada.

Mooshikan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay diyaarinayaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo raba in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

Sida ay ogaatay Caasimada Online abaabulka mooshinkan ayaa haatan si xawli ah u socda, ayada oo Xildhibaanada hormuudka u ah qorshahaan ay isku dayayaan inay taageero u helaan mooshinkooda.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo dhankeeda qoraal soo saartay ayaa difaacday xukuumadda, maadaama ay ka tirsan tahay, waxayna sheegtay in dalka ay hormar weyn gaarsiiyeeen ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha.

“XJFS EE RW Hamza Abdi Barre & GUUD AHAAN DJFS EE MW Hassan Sheikh Mohamud OO JIDKA MAKKAH-ALMUKARAMA DHAAFTEY MOOSHIN HOWGA BAQINA” ayay qoraalkeeda ku tiri wasiir Khadiijo Diiriye.

Si kastaba, Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.