Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Ansixiyay Heshiis Muhiim Ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana ay uga doodeen Ajendayaal dhowr ah.

Xildhibaanada ayaa kulankaas Akhrinta koowaad ku marsiiyay Hindise sharciyeedka dhismaha Haya’adda diiwaan-gelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga, dib-u-hishiisiinta Soomaaliya iyo Hindise sharciyeedka Qaxootiga.

Kulankaas ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana goobjoog ka ahaa 150-Xildhibaan, iyagoona ansixiyay heshiis la horgeyay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Heshiiska Iskaashiga Arrimaha waxbarashada ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, waxaana codka haa ku ogolaatay 150-Xildhibaan.

Guddoonka golaha shacbka ayaa soo jeediyay in la dardargeliyo howlaha horyaala golaha maadaama ay Dowladda uu yahay waqti kooban isla markaan loo baahan yahay in dhameystiro.

Leave a Reply