Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
4″ September “2022” Muqdisho”
Xildhibaano ka tirsan laba gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda goboka Hiiraan ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Kulanka ka dib, xildhibaaannada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxda ugu sareysa dowladda in ay kala hadleen sidii deg deg looga jawaabi lahaa tillaabadii dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ku laayeen dadka rayid ah, isla markaasna ku gubeen Raashinka inta u dhaxeysa Magaalooyinka Beledwayne iyo Maxaas.
Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka kana qeyb galay kulankaasi ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in la isku afgartay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-shababaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.
Xaalad adag ayay wajahayaan dadka ku nool deegaano badan oo gobolka Hiiraan oo qeybo kamid ah ay maamulaan Al-shabaab, waxaana jirta dhaliil loo jeedinayo dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabeelle oo ah in aysan wali hayn qorshe dadkaas lagu badbaadin karo.