5- February-2024
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta billaaby ka doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aanada masiiriga ah ee dalka, iyadoo doodda socon doonto maalmo.
Illaa 60 Xildhibaan ayaa is qortay, si ay uga hadlaan qodobkaas ajandaha ee uu Guddoonka Golaha shalay shaaciyay in laga doodayo.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa sheegay in waajibaadkooda uu yahay dhameysirka dastuurka iyo go’aan ka gaaristiisa, oo aanay u oolin Madasha Wadatashiga Qaran iyo cid kale, sidoo kale Xildhibaannada qaar ayaa soo jeediyay in Madaxweynaha aanu tagin Garowe
.Waxaa la is weydiinayaa oo su’aal taagan ah sida Baarlamaankan 11aad uu awood siyaasadeed ugu yeelan doono jaangoynta arrimaha masiiriga ah, iyadoo la xusuusto Baarlamaanadii hore sida kii 8aad, 9aad iyo 10aad aanay wax door ah ku laheyn go’aan ka gaarista arrimaha siyaasadda, marka la gaaro labada sano ee ugu damebysa muddo xileedkooda oo howlgab laga dhigi jiray