Xildhibaanadda Baarlamaanka oo lagu amray in ay Beri tagaan Xarunta Generaal Kaahiye

13″ Apr”2022″ Muqdisho”

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ee BFS ayaa qoraal u diray xildhibaanad壯陽藥 a cusub, kaasi oo ku aadan in beri ay tagaan xarunta tababarka ciidanka booliska ee generaal Kaahiye ee Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu yiri, “Beri hadii ilaahay yiraahdo xildhibaanka oo wata aqoonsigiisaa waxuu imaanayaa akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9.30 aroornimo.

Sidoo kale xoghayaha ayaa yiri”Halkaa ayaa basas looga qaadayaa Xildhibaanada oo lagu geynayaa Teendhada Afasiyooni oo ah goobta xaflada dhaarintu ka dhacayso”.ayuu yiri Xoghayaha golaha shacabka.

Baabuurtiina iyo askartiin waxaa uga tageysaan barxada Dusiga tababarka Booliska ee Genaral Kaahiye.

Xildhibaanada Degan Agagaarka Airporka Waa In Ay Yimaadaan Saldhiga Airporka Halkaas Oo Loogu Diyaariyey Basaki Ka Qaadi Lahaa Islamarkana Uu Geyn Laha Goobta Dhaarinta.”