Daawo: Ra’iisul wasaare Xamse ayaa si deg deg ah ugu tagay dadka Soomaaliyeed ee Maalintii labaad ku xayiran garoonka Aadan Cade

6- March-2024

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa si deg deg ah ugu tagay dadka Soomaaliyeed ee Maalintii labaad ku xayiran garoonka Aadan Cade

Maalintii labaad ayaa waxaa hakad ku jira duulimaadyada gudaha ee ka bixi jiray garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, kaddib markii shirkaddaha diyaaraddaha iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadu, isku khilaafeen lacago dheeraada oo lagu soo rogay dadka ka dhoofaya garoonka.

Maamulka Ururka Diyaaraddaha ayaa sheegay in lagu soo rogay qof kasta oo ka dhoofaya garoonka Aadan Cabdulle ee ku socda gobollada wadanka lacag dhan $9, iyagoo maraya nidaam cusub oo ay dajisay shirkad gaar loo leeyahay oo ay ruqsad ay siisay wasaaradda duulista hawada.

Shirkadduhu waxay sheegeen in ay culeys wayn ku tahay dadka diyaaradahooda raacaya, lacagta dheeraadka ah ee la saaray.

壯陽藥 ss=”wp-block-heading” id=”Muxuu-salka-ku-hayaa-khilaafku-“>Muxuu salka ku hayaa khilaafku?

Xamse Barre

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa deg deg ugu tagay dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran garoonka Aadan Cade ee lagu soo rogay $9-ka dollar ee sharci darada ah balse iska diiday. Wuxuu raali-galin siiyay dadka ay Wasaaradda Duulistu dhibaateysay shalay iyo maanta, wuxuuna sheegay iney saxayan khaladka dhacay, waxaana la fasaxay duulimaadka, iyadoo aan lacagtii la bixin.

War ay soo saareen Midowga Shirkadaha Diyaaradaha ee Soomaaliya dhawaan ayay ku sheegeen in wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ay ku amartay “in aan xogta rakaabka diyaaradaha (Manifest) kushubno system wasiiraddu noogu sheegtay inuu yahay mid amni”.

Balse waxay sheegeen in ay dib ka ogaadeen in uu yahay “[Nidaam] ay leedahay shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Hornlink”

Waxay sheegeen in sidoo kale uu nidaamka dalbanayo alacag sagaal doolar ah in shirkaduhu ka bixiyaan tikid kasta oo ay jaraan, arrintaas oo ay sheegeen in ay sare u qaadeyso qiimaha tkidhada caqabadna ay ku noqoneyso iyaga iyo macaamiishoodaba.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Soomaaliya ayaan la xiriirnay si aan wax uga waydiino dhamaan cabashooyinkaan. Balse nooma aysan suuragalin inaan helno. Sidoo kale ma jiro war rasmi ah oo ay soo saartay wasaaraddu.

Balse ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi barre oo maanta gaaray garoonka diyaaradaha ayaa ku amray wasaaradda iyo maamulka garoonkaba in ay fasaxaab=n dhamaan duulimaadyada xaniban.

Shirkadaha ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in nidaamkan cusub uu yahya mid amni oo faa’iido leh.

Leave a Reply