Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Somalia oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Qaxootiga

7- June-2023- Muqdisho

Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Somalia oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Qaxootiga,

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Maanta shir guddoomisay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 3-aad oo uu wahlinayo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow waxaana soo xaadiray 147 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa

1.Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka.

2.Akhrinya 1aad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo  Sharciyeedka Federaalka.

Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa mudanayaasha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka, isigoo u sheegay in hindise Sharciyeedkaan uu Da壯陽藥 lka muhiim u yahay, loona baahanyahay Xildhibaannada in ay Ahmiyad gaar ah siyaaan.

Intaasi kadib Xildhibaannada ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka. Iyagoo Su’aallo ka weeydiiyay Wasiirka qodobo ka mid ah Hindise Sharciyeedka uu hor keenay, waxaana Xildhibaannada ay su’aalahooda iyo doododa u badneeyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka.

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo soo xirtay kulanka maanta ayaa fartay ku-simaha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Ahna xoghaye ku-xigeenka Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciyow in uu kuwareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS si ay talooyinka Xildhibaannada iyo turxaan bixintooda ay ugu soo biiriyaan si markale Xildhibaannada Akhrinta labaad dood ugu yeeshan