28″ March ” 2021″ MUQDISHO
Mudaneyaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in Maalinta berito ah ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee Muqdiaho, kadib markii shalay uu fashilmay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada.
Ajandaha kulanka beri ayaa ah Caabuqa COVID19 iyo u Codeyn labada xubnood ee Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha.
Guddoonka golaha shacabka ayaa maanta xildhibaannada ku wargeliyay in ay soo xaadiraan kulanka beri, kaasi oo ka dhici soono xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Kulanka beri ay yeelanayaan xildhibaanada uu ku hoos jiro Ajande ku saabsan muddo kororsi loo sameeyo Hay’adaha dowladda oo muddo xileedkooda dhamaaday.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa qoral uu soo saaray xalay waxaa uu kusoo bandhgay 15 kamid ah Xildhibaannada oo laga mamnuucay inay ka qeyb galaan 5 kulan ee soo socda, kadib markii uu ku eedeyay inay hor-ustaageen qabsoomida kulankii shalay.