MUQDISHO”
Xildhibaanadda golaha shacabka ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta berito ah kulan ay ku yeelanayaan xaruntooda Ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa uga doodi doona Akhrinta 1-aad Hindise sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha Soomaalia.

Hindise sharciyeedka ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda beeraha iyo waraabka ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale xilidhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wadaa inay akhrinta labaad marsiiyaan hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo Jinsayadaga
